Garowe-(PuntlandPost) Natiijada kasoo baxday shirkii madaxda Soomaalida ku yeesheen magalada Kismaayo ayaa weli siyaabo kala duwan looga hadal hayaa magaalooyinka Kismaayo, Muqdisho iyo Garowe, iyadoona ay jiraan warar tilmaamaya in Puntland iyo Jubbaland tanaasul ku sameeyeen waxay aamin sanayaan.
Cali Xaaji Warsame oo wasiir kasoo noqday Puntland, haddana ka mid ah siyaasiyiinta isha ku haya doorashada 2016 ayaa waraysi uu siiyay Radio Daljir waxa uu ku sheegay in Puntland iyo Jubbaland qaateen nidaamka qabiilka 4.5 lagu soo xulo xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya (Aqalka hoose), kaasoo markii hore maamuladaani ay diidanaayeen.
In-kastoo aysan jirin suurta galnimadda arrinta uu Cali Xaaji ka hadlay kanas oo baxaysa Puntland iyo Jubbaland haddana waxa uu sheegay inay isku soo bixi doonta, wuxuna ka digay in doorashada soo socota lagu saleeyo nidaamka qabiilka oo horay looga wada hadley.
Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in Puntland marnaba raali ka noqon karin doorashada soo socota in lagu saleeyo aqalka hoose afart dhibac shan, waxayna madaxdu dib ugu balameen Muqdisho shir lagu shaacinayo natiijada ugu danbeysa oo doorashada lagu go’aaminayo.
Dadka diidan nidaamka qabiilka waxaa ka mid ah madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Farole, wuxuuna xilli uu khudbad ka jeedinayay furitaanka garoonka diyaaradaha Puntland sheegay xukumadda Gaas inaysan shacabka wakiil uga ahayn nidaamka 4.5 inay dib ugu soo celiso.
Mamuladda Gal-Mudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ku dhagan in nidaamka qabiilka Xildhibaanada lagu soo xulo aqalka sarena deegaan laga dhigo gaar ahaan mamuladda jira hadda inay soo xulaan.
Beesha caalamka ayaa dhinaceeda dadaal ugu jirta in madaxda Soomaalida si deg deg ah go’aan uga gaaraan doorashada 2016, iyadoona waqtigii doorashada ay ka harsan yihiin wax ka yar hal sano.
Puntland Post
The post Cali Xaaji oo sheegay in shirkii Kismaayo ku tanaasuleen Puntland iyo Jubbaland appeared first on Puntland Post.