Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka warfaafinta Puntland oo ka hadlay xuska markii ugu horaysay ee uu soo baxay Wargeys Soomaaliyeed

$
0
0

Garowe-(PuntlandPost) Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soocade oo maanta ka qayb galay munaasibad lagu xusayey afartan iyo saddex-guuradii kasoo wareegtay markii ugu horaysay oo uu dalka yeeshay Wargeys Afka-Soomaaliga kusoo baxa, kaasoo ay hir galisey dowladdii Allaha u naxariistiii Gen.Maxamed Siyaad Barre.

Soocade ayaa farriin hambalyo ah u diray warbaahinta Soomaliyeed, wuxuan sheegay maanta inay ku beegan tahay waqtigii uu soo baxay wargay Soomaaliyeed, waxa kale uu sheegay inay la macno tahay in maanta oo kale warbaahinta Af-ka Soomaaliga ku hadashaa dabaal-degooda tahay.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan maanta oo kale ahayn markii Af-ka la qoray balse sanad ka dib markii afka la qoray 21-kii Aktoor 1972-dii ka dib la sameeyay wargaysa, kaasoo dad badani u arkayeen inuu wax badan kaga qayb qaadan doono horumarinta afka.

Dadkii kasoo qayb galay munaasibada oo lagu qabtay hoolka shirarka Jaamacadda PSU Garowe ayaa muujiyay in qof kasta xil ka saaran yahay horumarinta afka, gaar ahaana dhalinyaradda looga baahan yahay inay Afkooda ka ilaaliyaan erayada aan macnaha badan samayn karin ee goobaha lagu sheekaysto kusoo badatay.

Gudoomiyaha ururka saxaafada Puntland (MAP) Faysal Khaliif Barre ayaa sheegay warbaahinta Soomaalida in looga baahan yahay inay ka qayb qaataan horumarinta afka iyo dadaalada dalka ka socda.

Dhinaca kale madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo munaasibadaan oo kale kaga qayb galay magalada Muqdisho ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub ee cilmiga dhaqanka fanka iyo suugaanta taasoo lagu qabtay munaasabada.

Mamulka Gobalka Banaadir ayaa dhankiisa soo saaray go’aan lagu mamnuucay boorarka lagu qorayo afafka qalaad ee la suro goobaha ganacsiga, waxaana la sheegay cadii lagu arko in tilaabo laga qaadi doono.


Puntland Post

The post Wasiirka warfaafinta Puntland oo ka hadlay xuska markii ugu horaysay ee uu soo baxay Wargeys Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>