Garowe – (Puntland Post) – Degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal waxaa la shaaciyey Imtixaankii dugsiga sare ee degmada, waana sanadkii ugu horeeyey oo degmada ay ka qalin jibiyaan Arday dugsi sare ah.
Ardayda ayaa ka koobnayd 6 Arday Afar kamid waa gabdho, kaalimaha kowaad ilaa sadexaad iyaga ayaa galay, waxaana uu Imtixaanku ka duwan yahay kuwii kale ee laga galay degmooyinka kale ee Puntland,maadaama ay sadexda kaalin oo ugu saraysa gabdho galeen.
Gudoomiyaha degmada Godob-Jiiraan Yusuf Maxamed ayaa sheegay inay guul u tahay reer Godob-jiraan inay arday dugsi sare ah ka qalin jabiyaan,waxaa uu bogaadiyey gabdhaha oo uu sheegay kaalimaha ay galeen inay da daal ku keensadeen.
Godob-Jiiraan bilihii u dambeeyey waxaa kasocday hormaro kala duwan oo ay qayb ka tahay kor uqaadista waxbarshada,dugsi sare ee degmada waxaa hirgaliyey maamulka hada ka jira.
Sawirro.
The post Imtixaankii Dugsiga sare ee Godob-jiiraan oo la shaaciyey appeared first on Puntland Post.