Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Jawaari oo ka qayb galaya shirka Baarlamaannada iskaashiga islaamka

$
0
0

Baqdaad-(Puntland Post) Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa 24-ka bishaan dalka Ciraaq gaar ahaan magalada Baqdaad uga qayb galaya shirka Baarlamaanadda iskaashiga Islaamka kaasoo arrimo badan looga wada hadli doono.

Wafdiga Jawaari waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay shalay masuuliyiin uu horkacayo Afhayeenka Baarlamaanka Ciraaq Dr Salim Abdullah al-Jabouri iyo Safiirka DFS u jooga dalkaasi.

Labadaan masuul ayaa shir ku yeeshay garoonka waxayna kaga wada hadleen arrimaha quseeya Soomaaliya iyo Criaaq iyadoona dalka Ciraaq ugu hambalyeysan Soomaaliyda dadaalada ka socda.

Shirka Baarlamaannada dalalka iskaashiga Islaamka (PUIC) ayaa lagu wadaa in lagu soo bandhigo arrimo badan oo dunida Islaamka ka dhaxeeya iyo sidii looga wada hadli lahaa xaaladaha cakirin ee dalalka Islaamka qaarkood ka taagan.
Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada muslimka ah oo ay weli ka jiraan dagaalada ay wadaan xoogaga islaamiga ah, kuwaasoo qaraxyo kala duwan ku gumaadaya goobaha rayidku iskugu yimaadaan.
Gud-Jawaari-Iraq-3

Gud-Jawaari-Iraq-5

Gud-Jawaari-Iraq-10
Puntland Post

The post Jawaari oo ka qayb galaya shirka Baarlamaannada iskaashiga islaamka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>