Muqdisho: (pp)- Xog-haya Arrimaha Dibbada Dowlada Ingiriiska William Hague oo maanta safar ku tagey magaalada Muqdisho ayaa furey Safaaradii UK ee Muqdisho 22 sano kadib,isagoona jariga si rasmiya uga jarey safaarada.
William Hague oo ka hadley furitaankii Safaaradda ayaa sheegey inay farxad weyn u tahay ka dib 22 sano oo kasoo wareegtey markii la daad gureeyey shaqaalihii, diblumaasiyiintii UK ee joogey Muqdisho in maanta dib calankii Safaarada loo taago.
Inkastoo ay jiraan caqabo waaweyn oo wali hortaagan wadanka Somalia ayaa haddana la oran waxa ka jira isbedel xaga diblumaasiyada caalamka, Ma ahan in dadaalka la gaarey u aragno khiyaali ayuu yiri Hague.
Madaxda Dowlada Somalia oo kula kulmey Waftiga Dowlada Ingiriiska Airport magaalada Muqdisho ayaa waxay u sheegeen Kulankooda ka dib inay ka wada hadleen dhowr qodob oo ay ka mid tahay sidii wada shaqeynta labada dhinac usii kordhi lahayd ,
Ra,iisal wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon oo wariyaasha la hadlayey ayaa dhanka kale sheegey inay ka wada hadleen Xog-hayaha arrimaha dibbada Britian shirka dhawaan ka dhici doona London ee Somalida loo qaban doono, wuxuna sheegey inuu ku rajo weyn yahay shirkaasi.
Furitaanka Safaaradan ayaa lagu micneyn karaa inay qeyb ka noqon kareyso hirgalitaanka beesha caalamka balan-qaadyadii ay u sameeyeen Somalia , kuwaas oo sheegey inay si rasmiya ula shaqeyn doonaan DF , ka dib markii Ummada Somaliyed kasoo gudubtey KMG-nimada.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Muqdisho.