Kismaayo: (pp)- Dareenka magaalada kismaayo ayaa ka bedelan sidii horre waxaana jirta aragtiyo kala duwan oo qeybaha bulshada Jubbooyinku ay ka bixinayaan Hogaamiye kooxeed ka tirsanaan jiray Dooxadii Jubba oo ku dhawaad 10 sano soo maamuli jirrey Kismaayo oo si kedis ah dhinaca badda uga soo galey Magaaladaasi.
Dhegeyso: Waraysi Puntlandpost ay la yeelatay Nabadoon Bashiir Dhegaweyne
Ka dib markii laga war helay joogitaanka Barre ee Kismaayo ayaa Warbaahinta Somalidu oo soo xiganaya ilo kala duwan ay baahiyeen in la xirey , in lagu amrey Magaalada inuu ka baxo iyo Arrimo kale.
Haddaba si aanu xog dhab ah uga helno imaan-shiyaha Barre Hiiraale ee Kismaayo oo noqotey mid xasaasiyad abuurtey ayaanu la xiriirney ilo kala duwan oo lagu kalsoonaan karro, waxayna noo xaqiijiyeen in Col Barre Hiiraale wali uu ku sugan yahay Magaalada, ilaa iyo haddana uusan la kulmin, Maamulka KMG Kismayo, Saraakiisha AMISOM iyo Odoyaasha.
Barre ayaa magaalada lasoo galey maleyshiyo hubeysan oo tiradooda naloo ku sheegey in ay gaareyso 80, halka ciidamo ka badan 200 oo ka mid ah taageerayaashiisa ay horey u galeen magaalada.
Mid ka mid ah Odoyaasha ku xareysan Jamacada Kismaayo ee Xulaya Ergooyinka dooranaya Madaxweynaha Maamulka Juballand oo Shabakada Wararka Puntlandpost la xiriirtey ayaanu wax ka weydiiney , Imaanshiyaha Barre, Jawiga , iyo dib u dhaca ku yimid xulista Ergadii oo wali aan odoyaasha kasoo dhamaan.
Nabadoonkan oo lagu magacaabo Bashiir Dhagaweyne ayaa wariye Abshir Abdulahi oo ka tirsan Warbaahiyaha Puntlandpost wuxuu la yeeshey wareysi ku saabsan arrimaha aanu qoraalka kaga soo hadalney.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost, Kismaayo , Jubbaland