Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaaradda Amniga oo fariin udirtay beelaha kasoo horjeeda Shirka Jawhar

$
0
0

Jawhar-(Puntlandpopst)-Magaalada Jawhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa ka socda kulamo lagu xalinayo tabashooyin ay qabaan beelaha qaarkood oo ku aadan Shirka maamul usamaynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha oo lagu qabtay Jawhar.

Qaar kamid ah beelaha dega Hiiraan ayaa horay u sheegay inaysan ku qanacsanyn Shirka lagu qabtay Jawhar,waxayna ku tilmaameen mid dano gaara laga leeyahay,inkastoo Madaxweyne Xasan qaarkood ku cadaadiyey inay ka qayb galaan Shirka.

Xubno ka socda wasaaradda Arimaha gudaha Dowaldda Fadaraalka Soomaaliya oo jooga Jawhar ayaa sheegay inay dhamaynayaan tabashooyinka beelaha qaarkood qabaan, waxayna tilmaameen inuu sii socon doono Shirku.

Wasaaradda Amniga ayaa dhankeeda u sheegtay beelaha tabashooyinka qaba inay  Maanta kusoo xushaan xubnaha uga qayb galaya Shirka,waxanse la aqoon talaabada rasmiga ah oo wasaaradda amnigu ku dhaqaaqi doonto hadii beeluhu maanta  soo xulan waayaan xubnahooda.

Arintan ayaa u muuqata hanjabaad dowladdu udirayso beelaha tabashooyinka qaba,waxaana dadka ka faalooda Siyaasada Soomaaliya ay sheegeen in dowladda hada talada haysa rabto inuu maamulkan uu dhismihiisa qaato wakhti kooban si uu ula jaan qaado doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkan.

Puntlandpost.com.

The post Wasaaradda Amniga oo fariin udirtay beelaha kasoo horjeeda Shirka Jawhar appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>