
Dowladda Yugaandha ayaa si rasmi ah mamnuucday in muwaadiniinteedu ka shaqeeyaan guryaha Sacuudiga, waxayna dowladu qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dadkeeda badanaa lagula dhaqmo arimo bani’aadnimada ka baxsan marka ay ka shaqaynayaan guryaha Sacuudiga.
Muruli Wilson Mukasa oo ah wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dalka Yugandha ayaa sheegtay jimcihii in ay weli helayaan macluumaad isa soo taraya oo sheegaya in dadkooda loola dhaqmo si xun. Wasiirka ayaa sheegay in mamnuucidaan ay sii shaqayn doonto inta xaaladda wax laga qabanayo.
Wargeyska lagu magacaabo Uganda’s Independent magazine ayaa qortay in dowladda Yugaandha ay soo saartay amarkan maalmo kadib markii baraha bulshada lagu baahiyey codad haween Yugaandhiis ah oo ka sheekaynaya sida loola dhaqmay gudaha dalka Sacuudiga.
Tani waxa ay ku soo beegmaysaa xilli ay soo baxayso in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso in ay boqolaal gabdho jaariyado ah ay u dirto dalka Sacuudiga, iyadoo la sheegayo in shirkad arintaas ka shaqaysa ay samaysteen rag dowladda Xasan Sheekh ka tirsan.
Uganda bans "export" of housemaids/domestic workers to Saudi Arabia @observerug @933kfm @Jssenkeezi @882SanyuFM pic.twitter.com/PWzcGqv95S
— Uganda Radio Network (@ugandarn) January 22, 2016
The post Yugaandha oo Muwaadiniinteeda ka mamnuucday ka shaqaynta guryaha Sacuudiga appeared first on Puntland Post.