Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

RW.hore Somalia oo GTEC kula kulmay ardayda jaamacadaha Garowe

$
0
0

93GaroweRa’iisulwasaraihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayay oo dhawaanahan ku sugnaa Garowe ayaa kulan la qaatay Maamulka, Macallimiinta, ardayda Jaamacadaha Garowe , iyo marti sharaf kale.

Kulanka oo ahaa mid lagu soo dhawaynayay Madaxda Madashada midnimada iyo dimuqraadiyada Soomaliyeed , ayaa ka qabsoomay Xarunta kulliyada Macalimiinta ee mgaalada Garowe.

Munaasabadan inta badan waxaa ka soo qaybgalay ardayda dhigata jaamacada Garowe , waxaana si wada jira u soo qaban-qaabiyay dallada guud ee dhalinyrada Puntland, iyo ururada Jaamacadaha ku yaala Garowe.

Ugu horayn waxaa madashada hadalo isugu jiray soo dhawayn iyo taageerada madashada midnimada iyo dimuquraadiyada loo hayo ka jeediyay guddoomiyaha Jamacada GTEC Cabdiraxmaan Shiikh Doon iyo guddoomiyaha Dallada guud ee dhalinyarada Puntland Aweys axmed sardheeye, masuuliyantan ayaa sheegay in dhalinyarada Pu ntland ay ka go’antahay sidii ay xoojin lahaayeen dadaala dib u dhiska Somaliya, ayna taageerayaan Madasha oo dhawaan la filayo inay noqoto Xisbi Siyaasadeed.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somaliya ahna Gudoomiayaha madashada midnimada iyo dimuqraadiyada Cabadiwali Shiikh Axmed,ku Xigeenkiisa Cabdirxmaan Macallin Cabdulaahi Baadiyow, iyo Wasiirkii hore ee Caafimaadka Soomaliya Cali xareed ayaa ka mahad celiyay sida madaxda Jaamacadaha Garowe u soo abaabuleen qabanqaabada Xafladan waxayna xuseen kulamadan inay ay qayb ka yihiin is badal Siyaasadeed oo ay doonayaan dalka Sooamliya uu ku yimaado, kaasoo shacabka Soomaliyeed doorkooda ku yeelanayaan.

Intii kulanku uu socday ardayada ayaa su’aalo ku saabsan arimaha dalka wax waydiiyeen Madaxda Madashada iyo Dimuquraadiya iyagoo si gaara wax ugu waydiiyay Cidda masuuliyadiisa qaadaysa, shirkii dhawaan kismayo ku fashilmay ee madaxda Soomalida ugusocday , waxaana eediisa ay dusha ka saareen Madaxwayanha Soomaliya Xasan Shiik Maxamuud.
,
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaliya iyo wafdigiisa ayaa kulankan ay la qaateen dhalinyarada Puntland waxa uu noqonayaa kii ugu ballaarnaa ee ay la yeeshaan ardayda Jaamacadaha Garowe.
1 (2)

1 (8)

1 (13)

1 (16)

1 (18)

1 (21)

1 (23)

1 (31)

1 (44)
Puntland Post

The post RW.hore Somalia oo GTEC kula kulmay ardayda jaamacadaha Garowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>