Garowe – (Puntland Post) – Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa Saaka u ambabaxay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.
Waftiga madaxweyne Gaas ayaa ka qayb gali doono Shir lagu go’aamin doono nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici karta sanadkan oo markale lagu qabanayo Muqdisho.
Shirkii kan ka horeeyey oo lagu qabtay Kismaayo ayaa laysku afgaran waayey qaabka doorashada lagu salaynayo,iyagoo dhinacyada Puntland iyo Jubbaland doonayeen habka degmo in doorashada loo qabto,halka dowaldda fadaraalka,Gal-mudug iyo Koonfur galbeed ay taageersan yihiin Nidaamka 4.5ka.
Beesha Caalamka ayaa madaxda Soomaalida ku cadaadisay Shirkii Kismaayo inay soo saaran hab ay ku midaysan yihiin oo doorashada lagu saleeyo,waxayna kasoo horjeeda in Soomaliya doorasho ka dhici waydo,Madaxda Soomaalida ayaana u balamay mar kale in Muqdisho ay isugu yimaadaan oo ku go’aamiyaan nooca doorashadu noqon doonto.
Wararka aan ka helayno Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu soo saxiixi doono Nidaamka 4.5ka oo shacabka Puntland ka soo horjeedaan,Waxaana la sheegay in Puntland iyo Jubbaland lagu cadaadiyey inay ogalaadan 4.5.
Cali Xaaji oo ah Siyaasi reer Puntland oo dhawaan la hadlay Radio Daljir waxaa uu sheegay in Puntland iyo Jubbaland ogalaadeen inay saxiixaan 4.5ka,isagoo tilmaamay inuusan garanayn qaabka ay uga dhaadhicinayaan shacabka ay matalayaan oo kasoo horjeeda 4.5.
Madaxweyne hore Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa isna horay uga digay Madaxweyne Gaas inuu ogalaado nidaamka 4.5ka,oo uu sheegay inaysan qaadanyan shacabka Puntland.
Shacabak Puntland iyo Siyaasiyiintuba waxay kasoo horjeedaan nidaamka 4.5ka,waxaana qorshuhu ahaa sanadkan inan doorashada lagu salayn 4.5ka,balse waxaa lays waydiin hadii Puntland iyo Jubbaland saxiixan 4.5ka maxaa isbadli doona? shacabka labada dhinacse sidee u ogalaan doonaan?.
Puntland Post
Xasan Baashe.
The post Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo u ambabaxay Muqdisho appeared first on Puntland Post.