Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo gaaray Xudur

$
0
0

Baydhabo-(PuntlandPost)- Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa gaaray degmada xudur ee gobolka Bakool,waxaan socdaalka madaxweynaha ku weheliya qaar kamid wasiiradiisa iyo Xildhibaano.

Shariif Xasan ayaa halkaasi u tagay u kuur galida xaalada degmada iyo tacsi dad ehelkiisa oo dhintay, waxaana intuu jooga Xudur la kulmi doona Xildhibaano dowladda fadaraalka oo jooga degmada.

Socdaalka madaxweynaha ayaa kusoo aaday xili ay degmooyinka ka tirsan gobolka Bakool sheegeen inay yihiin maamul gaara kuwaas la magac baxay Bakool sare.

Degmooyinka Ceelberde, Yeed iyo Aato ayaa dhawaan sheegay inay ka go’een maamulka Koonfur galbeed,waxaana madaxweyne ku dhawaaqay inu u yahay wasiirkii tababarada iyo dhaqan celinta ee maamulkaas Axmed Nuur Shiikh Maxamed.

Puntlandpost.com.

 

 

The post Madaxweynaha Koonfur galbeed oo gaaray Xudur appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles