Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Boosaso : Dhalinyaro Shaqo Abuur Loo sameeyay

$
0
0

Boosaso-(Puntland Post)- Ururka shaqo doon Puntland-Somalia iyo Micro Dahab ayaa shaqo abuur u sameeyey dhalinyaro isugu jirtay gabdho iyo wiilal, kadib markii dhalinyaradaasi ay ku guuleysteen tartanka fikradaha ganacsiga.

Kulankan Oo Ahaa Mid Lagu Soo Bandhigayay 5 Dhalinyaro Oo Ku Guulaystay Barnaamijka Tar Tanka ganacsiga Oo Ay Soo qaban Qaabiyeen Shirkadaha Ganacsiga Ee Dahabshiil Iyo Ururka Shaqadon Xarumaha Ay Ku Leeyihin Magalada Bosasso .

U Jeedada Kulanka Ayaa Ahaa Sidii Dhalinyarada Ku Nool Puntland gaar Aaan Magalada Ganacsiga Puntland Bosaso Ee Loogu Sameynlahaa Fursado Ganacsi Oo Ay Dhalintu Uga Qayb Qaadato Ganacsiyada Kala duwan ee Ka Jira Gudaha Puntland .

Inta uu Kulanku Socday Ayaa Waxaa Ka Soo Qayb Galay Ganacsatada Ku Nool Magalada Bosasso Masuuliyiinta Shirkadaha Maal Galinayay Dhalinyarada Ku Guulaysatay Barnaamijka Tar Tanka ganacsiga Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Dhalinyarada Jamacadaha Ka Dhigata Magalada bosaso .

Madaxa Dahabshiil Group Puntland Cali Maxamed Xasan Oo Hadal Ka Jeediyay Madasha Lagu Soo Bandhigayay 5 Dhalinyaro Ee Ku Guulaysatay Barnaamijka Tartanka Ganacsiga Dhalinyara Ee Magalada Bosasso Ayaa Sheegay Inuu Ku Farxsanyahay Inuu Ka Soo Qayb Galo Barnaamijka Tartanka Dhalinyarada Magalada Bosasso Waxana Uu Intaasi Ku Daray In Masuliyinta Shirkada Dahabshiil Group Samayn Doonaan Barnaamijyo Ay Dhalinyarada Waxkabarata Magalada Bosasso Kaga Caawinayaan Siday Dhalinyaradu Usii Wadan La Haayeen Heerka Wax Barasho Ee Dhalinyarada G/Bari,

Cabdiraxman Cabdirasaq Ciise Oo Katirsan Ururka Shaqa Doon Xafiiska Ay Ku Leedahay Bosasso Ayaa Ka War Bixiyay Muhiimada Loo Qabtay Bar Namijka ganacsiga Dhalinyarada Boosasso .

Samsam Cali Siciid Oo Ka Mid Ahayd 5 Dhalinyaro Ee Ku Gulaystay Barnamijka Tar Tanka Ganacsiga Ee Dhalinyara Bosasso Ayaa Uga War Bixisay Warbaahinta Shaqada Ay Ku Guulaysatay, Waxeyna u mahadcelisay dhamaan dadka Hoshan soo Agaasimay

Shanta dhalinyarada ah ee fikradahooda Ganacsi ku guuleystay ayaa kala ahaa:

  1. Muuse Siciid Xasan
  2. Maxamad Axmad Maxamuud
  3. Cabdimahad Shire Cigaal
  4. Maxamad Jaamac Yuusuf
  5. Zamzam Cali Siciid

 

Daawo Sawiradda :

IMG_3844 IMG_3845 IMG_3846 IMG_3849 IMG_3851 (1) IMG_3851 IMG_3857 IMG_3869 IMG_3873 IMG_3875 (1) IMG_3875 vlcsnap-error330

Puntlandpost.com

Xafiiska – Boosaaso

The post Boosaso : Dhalinyaro Shaqo Abuur Loo sameeyay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>