Baran-(Puntland Post) Deegaano ka tirsan dhulka daaqsinka leh ee Gobalka Sanaag ayaa waxaa ka samaymey boholo kuwaasoo saamayn ku yeeshay deegaanka iyo dadka ku nool.
Dooxooyinka Rad,Midigala Xubeera iyo Cowsane ayaa ah meelaha ay saamayntu gaarsiisay boholaha, waxayna dadka deegaanka codsanayaan in laga hortago dhibaatooyinka xoogan ee dooxooyinkaasi ka taagan.
Masuul ka tirsan wasaradda Deegaanka oo ku sugan gobalka Sanaag ayaa sheegaya in dhibaatooyinka ay gaartey dhulkii ay xoolihu daaqi jireen, wuxuna sheegay in arrintaasi u baahan tahay in si deg deg ah looga hortago, biyaha roobka ayuu sheegay inay si fudud deegaanka ku dhaafaan isla markasna aysan jirin meelo biyaha qabta.
Boholaha ka samaysmay deegaanada dhul daaqsimeedka leh ee Sanaag ayaa soo jiitamayay in ka badan 30-sano, waxaase jira dadaalo ay wadaan wasaradda Deegaanka iyo Hay’adda ADDESO kuwaasoo looga hortagayo boholaha cusub ee
samaysmaya.
PUNTLAND POST
The post Boholo ka samaysmay dooxooyin ku yaala deegaano ka tirsan gobalka Sanaag appeared first on Puntland Post.