Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Shariif oo maanta ku wajahan Muqdisho

$
0
0

Baydhabo-(Puntland Post)-  Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta ku wajaha magaalada Muqdisho oo dhawaan uu ka furmi doono Shir kale oo looga hadlayo doorashada.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed ayaa Puntland Post u xaqiijisay safarka madaxweynaha,Muqdisho waxaa kusugan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda fadaraalka.

Shalay madaxweyne Shariif wuxuu tababar ugu soo xiray degmada xudur ee gobolka Bakool  ciidamo ka tirsan daraaswiisha oo mudo tababar uga socday halkaa.

Shirka la filayo inuu Asbuucaan gudahiisa ka furmo Muqdisho ayaa la sheegay in lagu go’aamin doono nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta,inkastoo wararka qaarkood xusayaan in laga yaabo madaxdu inay isku racaan in 4.5 doorashada lagu saleeyo.

Puntlandpost.com.

The post Madaxweyne Shariif oo maanta ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>