Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

2,000 oo Askari oo Soomaaliya loo soo dirayo

$
0
0

Kampala-(Puntland Post)- Hogaamiyayaasha Midowga Afrika qaar ka mid ah ayaa kulan ku yeeshay magaalada Kampala ee Caasumadda dalka Uganda,waxayna kulanka diirada ku saareen xaalada Soomaaliya.

Weerarada Alshabaab iyo mustaqbalka ciidamada AMISOM ayey ka hadleen,iyagoona sheegay in la dar dargaliyo xaalada nabad galayo ee Soomaaliya.

Kulanka oo shalay ka dhacay Kampala waxaa kaloo diirada lagu saaray weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Gedo oo Alshabaab u geysteen ciidamada dowlada Kenya ee ku sugan saldhiga deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Hogaamiyayaasha ayaa isku raacay in weerarada Alshabaab ay wax u dhimi karaan Amaanka gobolka,waxayna xuseen in dowladda fadaraalka ka caawin donan ka hortaga Khatarta Alshabaab.
Madaxdii ka qayb gashay kulanka ayaa isku raacay in Soomaaliya loo diro ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 2,000(labo kun) oo Askari kuwaas oo la gayn doono magaalada Muqdisho si ay gacan uga siiyaan amaanka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

The post 2,000 oo Askari oo Soomaaliya loo soo dirayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>