Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwayne Gaas iyo Ra’iisul Wasaare Cumar oo Muqdisho ku kulmay

$
0
0

cumar-1Muqdisho-(Puntland Post) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay gaaray magalada Xamar ayaa maanta gurigiisa kula kulmay wasiirka koowaad ee dalka mudane Cumar Cabdirashiid Cali.

Labadaan masuul ayaa kulankooda waxay kaga hadleen arrimaha Soomaaliya gaar ahaan shirka madaxdu ku yeelan doonto magalada Muqdisho, walow aan si rasmi ah loo cadeyn xilliga uu furmayo shirkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Sharmarke ayaa muujiyay inuu ku faraxsan yahay in madaxda Soomaalida ku sugan yihiin magalada Muqdisho, waxa kale uu rajo ka muujiyay in wax wanaagsan uu kasoo bixi doono kulanka Muqdisho ka furmaya.

Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay magalada Muqdisho, wararka soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo shirka lagu go’aamiyo doorashada 2016 inuu furmo maalinta beri ah.

PUNTLAND POST

The post Madaxwayne Gaas iyo Ra’iisul Wasaare Cumar oo Muqdisho ku kulmay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>