Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Saxafi caan ah oo ku geeriyooday magalada Muqdisho

$
0
0

cabdi-xaaji-goobdoonMuqdisho-(Puntland Post) Allaha u naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe magalada Muqdisho ku geeriyooday rug cadaaga saxaafadeed ee Cabdi Xaaji Goobdoon oo si weyn looga yaqaan gudaha dalka.

Sida aan xogta ku helnay Goobdoon waxaa kusoo booday xanuun dhanka wadanaha ah, kaasoo sababey inuu saaka xilli hore ugu geeriyooda Isbitaalka Daarushifaa oo loola soo cararay.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuub Cabdi Xaajo Goobdoon, waxa kale uu sheegay inay ka xun yihiin geeridiisa balse ay muhiim tahay in alle loo baryo inuu u danbi dhaafo.

Dadka Goobdoon yaqaan ayaa tilmaamay inuu ahaa ruux saamayn ku leh saxaafada, maadama uu soo galay 1961 wixii xiligaasi ka danbeeyayna uu xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdii kacaanka ee Maxamed Siciid Barre.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee aqoonta u leh Cabdi Xaaji Goobdoona yaa tacsi ka diray iyagoona muujiyay inuu ka baxay saxaafada macalin rug cadaa ah.

PUNTLAND POST

The post Saxafi caan ah oo ku geeriyooday magalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>