Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maamulayaasha Dugsi-yada Sarre Puntland oo Garowe Kulan uga furmey,Sawiro.

$
0
0

Xarunta Guddoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal Magaalda Garoowe ayaa maanta waxaa ka furmey Tababar 5 cisho socon doona ayna ka qeyb galayaan Maamulayaasha Dugsiyada Sarre ee Puntland ku yaal gaar ahaan Gobolada kala ah , Mudug, Nugaal, Sool iyo Ceyn.

Hoolka Kulanka

Hoolka Kulanka

Tababarkan ayaa oo ku saabsan sidii iskuulada looga dhex sameyn lahaa tiro-koobka Waxbarashada, gaar ahaan qaabka tiro koob loogu sameyn lahaa Ardeyda, Macalimiinta, Agab-yada iyo qeybaha kale ee iskuulka ayaa waxaa qaban qaabadiisa iska kaashadey Hay,adda Carre International iyo Wasaarada Waxbarashada Puntland, waxaana maalgalinaysa Hay,adda EU.

Wasiir ku xigeenka Jamac

Wasiir ku xigeenka Jamac

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Puntland Jaamac Yaasiin Jaamac oo kulanka furey ayaa sheegey in wasaaradu uga mahad celinayso deeq bixiyaasha shaqada ay la qabtaan , kuwaas oo uu sheegey inay muhiim tahay iskaashiga ku aadan sidii loo heli lahaa tiro koob sax ah oo ku saabsan waxbarashada Puntland.

Axmed Shiikh Carre International

Axmed Shiikh Carre International

Wakiil ka socdey hay,adda Carre International oo iska kulanka ka hadlay ayaa sheegey in ujeedadu ay la xiriirto Tayeynta Waxbarashada iyo Wadaagida xogta dhabtaa ee Iskuulada Puntland ka jirra, iyadoona midaasi ay laga faa,iidi doono sidii loo tayeyn lahaa xarunta Dhexe ee Wasaarada Waxbarashada iyo Iskuuladda.

Tababarkan mid noociisa oo kale ah ayaa iyana lagu qaban magaalada Bosaso , ayna ka qeyb galayaan maamulayaasha Dugsiyada sarre ee Puntland , kuwooda aan ku jirin Tababarka ka furmey Magaalada Garowe, waxana qabashadiisu ay kusoo beegmeysa xili dhamaan wasaaradu tababar noocan oo kale ah usoo xirmey 47 xubnood oo ahaa tababarayaal ka caawin doona xogta tiro koobka xogta Waxbarashada.

Kasoo qeyb galayaashii Maamulada Iskuulada 1 3 Carre Goobta KulankaNagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>