Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garoowe: Xabsiga Cusub ee Garoowe oo loo dhagax dhigey Beer uu yeelan doono sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Wasiirka Beeraha iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland ayaa maanta dhagax dhigey dhismaha beer loogu talo galey Xabsiga Cusub ee dhismihiisu ka soconayo Magaalada Garowe, iyadoona ay ka faa,iideysan doonaan wax soo saarka beertaasi Maxaabiista Xabsiga iyo Qeybaha Bulshada .

Wasiirka

Wasiirka

Wasiirka Wasaarada Beeraha Puntland Eng Maxamud Xaaji Saalax oo ka hadley dhagax dhigii ayaa sheegey in beertani faa,iido weyn u yeelan doonto maxaabiista , islamarkaana ay rajeynayaan inay noqoto mid miraheeda ay gurtaan, iyadoona uu sheegey taas bedelkeeda inay kasoo dhagax dhigtey wasaaradiisu xabsiga ku yaal Magaalada Bosaso.

Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland oo ka hadley dhagax dhigii beerta xabsiga ayaa sheegey in beertan ay qeyb ka tahay mashruuca dhismaha xabsiga oo ay fulineyso hay,adda UNPOS , iyadoona looga faa,iideyn doono maxaabiista iyo ciidanka Asluubta Puntland.

Cali Nuur

Cali Nuur

Taliye Cali Nuur waxa uu intaas raaciyey in shaqada beertan lagu tababari doono maxaabiista , kuwaas oo mustaqbalka ay kasoo bixi doonaan xirfad-layaal kala duwan oo noqon doona beeraley , wuxuuna sheegey in Puntland xabsi-yadeeda oo dhan ku rajo weyn yihiin ka hirgalinta mashaariicdan oo kale, iyadoona maalintii shalay bosaso beer noocan oo kale ah xabsigeeda lagu dhax dhigey.

Saraakii ka socota Hay,adda UNPOS ayaa kasoo qeyb gashey dhagax dhigii Beerta, waxaana sidoo kale beertan la dhagax dhigey ay kusoo beegmeysa xilli uu gabo gabo ku dhow yahay dhismaha xabsiga cusub ee laga wado magaalada Garoowe.

Taliyaha, Wasiirka Beeraha iyo Wasir ku xigenka Amniga Xubnaha dhagax dhigay Beerta Dhulkeeda Dhagax dhiga Dhulka BeertaNagala soo : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garoowe.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>