Muqdisho-(Puntland Post)-Waxaa la filayaa maalmahan wafti ka socda dowladda Fadaraalka iyo beesha caalamka inay tagaan Puntland si ay ugala hadlaan go’aankii Shirkii Muqdisho ee lagu go’aamiyey doorashada in lagu saleeyio 4.5 oo shacabka Puntland diidan yihiin.
Waftiga waxaa hogaamin doona Ra’iisul wasaarah Soomaaliya Cumar Cabdirashiid waxayna ka kooban yihiin labada gole ee dowladda iyo xubno ka socda beesha Caalamka,waxaa lafilaya waftigu inay kulamo la qaadan doonan Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
lama oga waxyaabaha kasoo bixi doono Kulanka ay wadaqaadan doonan waftiga xal raadiska ah iyo madaxda Puntland,balse Wasiirka Warfaafinta dowladda fadaraalka Maxamed Xayir Maareeye ayaa sheegay inay qancin doonaan Puntland iyo cidkasta oo kasoo horjeeda go’aankii Shirkii Muqdisho.
Waftiga ayaa Puntland imaanaya xili madaxda Puntland iyo siyaasiyiintuba ay sheegeen inaysan qaadanayn nidaamka 4.5ka, waxaana Garowe ka dhacay Shalay banaanbax looga soo horjeeday 4.5ka.
PUNTLAND POST
The post Wafti ka socda dowladda fadaraalka,Beesha caalamka oo kusoo wajahan Puntland appeared first on Puntland Post.