Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynaha Jubbaland oo sheegay inay madaxda Soomaalidu ku fashilmeen madasha Qaranka

$
0
0

Kismaayo-(PUNTLAND POST) Madaxweynaha Jubbaland iyo Wefdi uu hogaaminayao oo duhurnimadii Jimacada maanta ah soo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay qaybta nasashada ee Garaanka diyaarahada ee Magaalada Kismaayo kaga hadlay Shirkii Madasha Wadtashiga Qaran ee uu Muqdisho ay oga qayb galay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Shirkiisa jaraa’id ku sheegay Madaxada Soomaaliyeed in ay ku fashilmeen in ay go’aan ku gaaraan Gogoshii Soomaaliyeed ee ka dhacday Magaalada Kismaayo,

“Waxaan oran karaa waan ku guuldareysanay Gogoshii Soomaaliyeed ee looga arinsanyey mustaqbalka iyo ayaaha Soomaaliya ee Kismaayo ka dhacday in ay Madaxada Soomaaliyeed ku go’aan gaaraan. Ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maamed Islaam oo intaas raaciyey ” Wey wanaagsan tahay qofku in uu sheegto in uu guuldareystay.

Madaxweynaha Jubbaland oo noqonaya Madaxweynihii u horeeyey oo afka ku baalaariyey in lagu fashilmay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Kismaayo ka dhacay 14-16 Bishaan Janaayo ayaa geesta kale sheegay go’aankii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka soo saartay Shirkii Muqdisho in uu ahaa qoor qabsho ayna ku qasbanaayeen in ay qaataan wixii ka soo baxay Shirkii aan caadiga ahayn ee Muqdisho 27kii Bishaan Janaayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hadalkiisa ku daray in uu talada dib ugu soo celiyey dadka reer Jubbalaan Dowladda Federaalka ahna ay ku soo laaban doonto Magaalada Kismaayo isla markaasna Shacabka u soojeediyey in ay Marka ay soo laabatao DFS u diyaar garoobaan sidii ay ula xisaabtami lahaayeen. Hoos ka dhageyso Shirkii Jaraa’id ee Madaxweyne Axmed Madoobe.

PUNTLAND POST

The post Madaxwaynaha Jubbaland oo sheegay inay madaxda Soomaalidu ku fashilmeen madasha Qaranka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>