Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo shacabkiisa kulan Qaxwayn ah kula qaatay qaybo kamid ah hotellada Boosaaso

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta 29-Jan-2016 socod dheer oo lug ah kusoo maray qaybo kamid ah shaaracyada waaweyn ee magaalada Boosaaso ee Xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha ayaa sood dheer  kadib waxaa uu  gaarey Hotel Gacayte oo ku yaalla woqooyiga Boosaaso gaar ahaan xaaxiga ama  xeebta Boosaaso, halkaas oo uu kulan  nasasho iyo qaxwayn ah kula qaatay dad isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab, kuwaas oo goobta ku sugnaa, maadaama uu Madaxweynuhu soo af-meeray Safarro shaqo oo bilihii ugu dambeeyey uu ku-jirey kuwaas oo xal loogu raadinayey geeddi-socodka doorashooyinka 2016.

Madaxweynaha ayaa intii uu shacabkiisa la-qaxwaynayey waxaa koox-koox  ugu imaanayey shacabkii  goobta ka qaxwaynayey,  kuwaas oo hambalyo iyo salaan sharaf u wadey isla  markaasna ku bogaadinayey go’aankii geesinimada lahaa ee uu ka qaatay shirkii bur-buray ee madasha wadatashiga qaran.

Madaxweynaha ayaa ayaa markii uu soo dhammaystay kulankii nasashada ahaa ee uu la-qadanayey shacabkiisa waxaa uu salaadii Maqrib shacabkiisa kula tukadey  Masaajid ku yaalla Gacayte Hotel.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi ka-dib waxaa uu Hotel Huruuse oo ka-mid ah Hotellada magaalada Boosaaso kula caweeyey qaybo kamid ah  Duubabka iyo hal-doorka Gobolka Bari, kuwaas oo Madaxweynaha ku bogaadiyey sida uu u difaacay aragtida shacabka Puntland ee geeddi-socodka doorashooyinka 2016.

Socdkaan lugta ah ee uu Madaxweynuhu ku dhex lugaynayey magaalada Boosaaso ayaa muujinaya Nabad-geliyada iyo xasiloonida gaamurtey ee ka jirta magaaalada Boosaaso, waxaana uu soo jiidanaysaa kalsoonida shacabka Puntland ku qabi karaan ka- hirgelinta magaalada Boosaaso goobo ganacsi caalami ah oo la tartami kara dunida horumartay.

—DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_1326 IMG_1335 IMG_1343 IMG_1352 IMG_1380 IMG_1387 IMG_1394 IMG_1400IMG_1040 IMG_1047 IMG_1056 IMG_1059 IMG_1066 IMG_1069 IMG_1073 IMG_1080 IMG_1082 IMG_1090 IMG_1097 IMG_1100 IMG_1104 IMG_1113 IMG_1121 IMG_1139 IMG_1153 IMG_1144 IMG_1155 IMG_1159 IMG_1163 IMG_1167 IMG_1170 IMG_1173 IMG_1176 IMG_1182 IMG_1183 IMG_1186 IMG_1193 IMG_1195 IMG_1201 IMG_1208 IMG_1211 IMG_1215 IMG_1218 IMG_1220 IMG_1223 IMG_1227 IMG_1236 IMG_1244 IMG_1253 IMG_1278 IMG_1294 IMG_1295 IMG_1309

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo shacabkiisa kulan Qaxwayn ah kula qaatay qaybo kamid ah hotellada Boosaaso appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>