EYL(Puntland Post) Wafdi uu hoggaaminayo gudoomiyaha Gobalka Nugaal ayaa maalin ka hor gaaray degmada Eyl oo ka tirsan Gobalka Nugaal, halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay dhismaha gollaha deegaanka.
Wafdiga gudoomiyaha waxaa ka mid ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Puntland iyo xildhibaabo waxay maanta xafiiska mamulka Degmada Eyl shir kula yeesheen Odayaasha iyo waxgaradka magalada, waxayna ku war galiyeen ilaa iyo beri in la qabanayo codsiga iyo taariikh nolaleedka cidii doonaysa inay u tartarto xilka gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Farawayne ayaa sheegay tan iyo beri labo saac inay ku eg tahay arji qabashada doorashadana la gali doono maalmaha soo socda sidoo kale waxa uu u mahad celiyay mamulkii hore iyo shaqooyinkii ay degmada ka qabtaan, xildhibaanada cusub ee gollaha deegaanka ayuu ku war galiyay inay sugayso howl cusub.
Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Puntland Cali Yuusuf Jaamac ayaa u qaybiyay xildhibaanada iyo nabadoonada sharuudaha looga baahan yahay cida u tartamaysa xilka gollaha deegaanka hoggaankiisa wuxuna sheegay wixii ka danbeeya Sabtida laba saac inay gudo gali doonaan kala saarista cidii sida dhabta ah u buuxisay sharuudaha looga baahan yahay iyo cidaan ku guulaysan.
Marka laga tago isu diyaarinta doorashada hogaanka gollaha deegaanka degmada Eyl, gudoomiyaha gobalka Nugaal iyo masuuliyiintii la socotay ayaa daahfuray Warshad Baraf iyo goob shidaalka lagu iibiyo oo degmada laga furay kuwaasoo aan horay deegaanka uga jirin.
PUNTLAND POST
The post Wasaradda Arrimaha gudaha Puntland oo dhisaysa gollaha deegaanka degmada Eyl appeared first on Puntland Post.