Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaradda xanaanada xoolaha Puntland oo gobalada u dirtay kooxo caafimaad (Sawirro)

$
0
0

UntitledGAROWE-(Puntland Post) Wasaradda xanaanada xoolaha Puntland ayaa koox dhaqaatiir ah u diray qaar ka mid ah degmooyinka Puntland ka dib markii ay soo gaartay cabasho la xiriirta inay jiraan xanuuno haleelay xoolaha ay dadku dhaqdaan.

Kooxaha la direy ayaa waxay isgu jiraan dhakhaatiir ka shaqeysa wasardda Xanaanada xoolaha Puntland iyo qeyb ka mid ah ardeyda wax ka barata Jaamacadda Bariga Africa qaybta xanaanada xoolaha oo ah dufcadii ugu horaysay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada xoolaha Puntland Maxamed Cabdiqaadir ayaa sheegay in wasaarada ay maanta ay direyso kooxo caafimaad oo aadi doono gobolada Puntland arintaasna ay muhiimad gaar ah siinayaan.

Wasiirka wasaaradda xannada xoolaha Puntland Cabdi Jamaal Max,ed Cismaan ayaa kooxaha maanta tagaya ku booriyay in ay shaqadda sidii la rabey uga asoo baxaan meelaha ay tagayaan isla markasna xoolaha caafimaadkooda si buuxda usoo hubiyaan, wuxuna sheegay wasiirku inay mar kasta ka go’an tahay sidii caafimaadka xoolaha looga fekeri lahaa.
1[1]

4[1]

5[1]

7[1]

9[1]

12[1]

14[1]
PUNTLAND POST

The post Wasaradda xanaanada xoolaha Puntland oo gobalada u dirtay kooxo caafimaad (Sawirro) appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>