GAROWE-(Puntland Post) Waxaa maanta xarunta degmada Eyl ee Gobalka Nugaal lagu qabtay doorashada hoggaanka sare ee gollaha Deegaanka taasoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay socotay.
Xilka Gudoomiyaha waxaa isku soo taagay oo kaliya Muuse Cismaan Yuusuf oo ahaa duqii ugu danbeeyay ee Eyl mana jirin cid la tartanta waxaana cod gacan taag ah ku doortey 22-xildhibaan, sidoo kale waxaa gudoomiye ku xigeenka degmada loo doortay Faysal Khaliif Wacays oo isaguna aysan jirin cid la tartanta.
Labadaan masuul ee la doortay ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay xilka hayay, waxaana hadda u bilowday shan kale oo hor leh.
Muuse Cismaan iyo Faysal Khaliif Wacays ayaa u mahad celiyay xildhibaanadii doortey,waxayna balan qaadeen inay wax badan kusoo kordhin doonaan degmada maadama xil cusub u bilowday.
Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha, gudoomiyaha gobalka Nugaal iyo masuuliyiin kale ayaa doorashadan goob joog u ahaa.
PUNTLNAD POST
The post Deg deg:- Muuse Cismaan Yuusf iyo Faysal Khaliif Wacays oo mar kale ku guulaystay doorashadii Eyl appeared first on Puntland Post.