Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Maanta Booqday Xarunta Ciidanka Badda Puntland.

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31-Jan-2016 kormeero u-kuur gal ah  ku tegey goobo ay ka-mid yihiin Xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Boosaaso, Cusbitalka guud ee Magaalada Boosaaso iyo Xarunta Guriga Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa dhammaan Goobahaasi waxaa uu kulamo kula qaatay mas’uuliyiinta kala duwan ee xarumahaasi isagoona ka-xog waraystay xaaladda guud ee bulshada loo adeegayo iyo shaqada dhabta ah ee ka socoto dhammaan xarumahaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale socod dheer oo lug ah waxa uu kumaray qaybo kamid ah waddooyinka magaalada Boosaaso isago salaamayey dad shacab ah oo goobohoodii ganacsiga jooga kuwaas oo Madaxweynaha u muujinayey sida ay ugu faraxsanyihiin in ay arkaan madaxweynohoodii oo suuqa dhex lugaynaya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa faray Maamulka gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso iyo kan cusbitalka guudba in ay dar-dargeliyaan shaqooyinka ay bulshada u hayaan iyagoo bulshada u muujinaya debecsanaan iyo hawlkarnimo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sidoo kale waxaa uu booqday Xarunta Ciidanka Badda Puntland isagoo halkaasi salaam sharaf kaga qaatay boqollaal askari oo tababar uga socdo xaruntaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo goob fagaare ah kula hadlay ciidanka ciidanka tababarka ku-jira ayaa ku ammaanay isbeddelka ka muuqday muddadii yarayd ee uu tababarku u-socdey, isagoona kula dar-daarmay in ay dedaal dheeraad ah muujiyaan si’ay markuu tababarku u-soo xidhmo ay  uga soo baxaan  iyagoo wata aqoon  tayo le oo ay dalkooda ku difaaci karaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dar-daarmay saraakiisha tababaraysa ciidanka Badda Puntland in ay xooga saaraan sidii ay ciidanka ugu beeri lahaayeen waddaniyadda iyagoo si dhab ah u tusaya ciidanka qiimaha ay leedahay waddaniyaddu.

“Ciidanka waxaa ugu muhiimsan waxa weeyaan in waddaniyad lagu beero,weliba  dalkooda difaaciisa iyo wanaagiisa lagu tababaro oo lagu hago weeye” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

—DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

Halkaan ka dhegeyso codka Madaxweynaha

IMG_1495 IMG_1501 IMG_1528 IMG_1547 IMG_1557 IMG_1565 IMG_1569 IMG_1571 IMG_1574 IMG_1576 IMG_1578 IMG_1589 IMG_1593 IMG_1595 IMG_1597 IMG_1601 IMG_1603 IMG_1612 IMG_1616 IMG_1623 IMG_1645 IMG_1650 IMG_1661 IMG_1663 IMG_1669 IMG_1672 IMG_1674 IMG_1675 IMG_1677 IMG_1678 IMG_1680 IMG_1686 IMG_1689 IMG_1691 IMG_1697 IMG_1699 IMG_1703 IMG_1704 IMG_1705 IMG_1707 IMG_1709 IMG_1720 IMG_1726 IMG_1733 IMG_1748 IMG_1751 IMG_1753 IMG_1757 IMG_1761 IMG_1766 IMG_1774 IMG_1781 IMG_1783 IMG_1788 IMG_1795 IMG_1803 IMG_1805 IMG_1813 IMG_1816 IMG_1817 IMG_1819 IMG_1820 IMG_1821 IMG_1828 IMG_1832 IMG_1835 IMG_1837 IMG_1838 IMG_1840 IMG_1845 IMG_1863 IMG_1870

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Maanta Booqday Xarunta Ciidanka Badda Puntland. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>