Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnepolis oo ka hor yimi nidaamka 4.5

$
0
0

MINNEPOLIS-(Puntland Post) Kulan lagu qabtay magalada Minnepolis ee dalka Maraykanka ayaa lagu muujiyay inuusan umadda Soomaaliyeed hor u keeni karin nidaamka qabiilka ee 4.5, kaasoo dhowaan madaxda dowladda Federaalka ku go’aamiyeen in aqalka hoose lagu saleeyo.

Kullankan oo ay iskugu yimaadeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaladaasi ayaa waxaa laga soo jeediyay khudbado kala duwan, dadkii ka hadlay ayaa sheegay inay Puntland ku taageersan yihiin diid-mada ay ka muujisan nidaamka 4.5 waxa kale oo ay raaciyeen inay tahay wax laga xumaado in qabiiladda Soomaaliyeed la kala saraysiiyo iyadoo xagg illaahayna laga siman yahay.

Maxamuud Cabdi oo ka mid ah Soomaalida Minnepolis ayaa sheegay inay fashilmeen madaxda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa dowladda Federaalka wixii lagu balamayna aan waxba laga qaban wuxuuna ku baaqay in shacabka dalka iyo diabdda ka hor yimaadaan in la socod siiyo ndiaamka qabiilka oo lagu hoos qarinayo wax qabad la’aanta kooxda Xasan Shiikh Maxamuud.

Mamulka Puntland ayaa weli diidan nidaamka qabiilka, waxaase socda dadaalo ay wadaan beesha caalamka iyo DFS taasoo lagu doonayo in Puntland lagu qanciyay inay qaataan maadama uu noqday xalka kaliya ee xilligan doorasho lagu qaban karo.

Qaar ka mid ah saxiixayaashii tubta nabadda sida Cabdiraxmaan Farole ayaa sheegay inay xaaraan tahay in nidaamkaasi dib loogu laabto maadama horay looga heshiiyay, wuxuan madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ku tilmaamay ruux balantii ka baxay.12647760_10207752046613094_238090956_n

12647968_10207752041852975_33925882_n

12660422_10207752042292986_432979271_n

12660438_10207752049293161_1911947378_n

12665791_10207752045053055_1258484609_n

PUNTLAND POST

The post Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnepolis oo ka hor yimi nidaamka 4.5 appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>