Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo booqday Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Boosaaso

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 01-Feb-2016 kormeer booqasho ah ku tegey Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee magaalada Boosaaso oo ka-mid ah Jaamacadaha ugu faca weyn Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa Jaamacadda kusoo dhoweeyey Maamulka Sare ee Jaamacadda, Macallimiin iyo  Boqollaal arday ah oo wax ka-barta Jaamacadda Culuumta Caafimaadka kulliyadeheeda kala duwan.

Madaxweynaha ayaa waxa uu  soo dhoweyn kadib qol-qol u booqday qaybo kamid ah fasallada Jaamacadda iyadoo xilligaasi ay ardaydu qaadanayeen xiisadohoodi caadiga ahaa, waxaana uu wax ka-dhegeystey qaabka ay macallimiinta ardayda wax ugu sharaxayaan iyo sidoo kale qaabka ay ardaydu ugu fal-celinayaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa intaasi kadib Jaamacadda kaga  qayb galay xalfad lagu soo bandhigayey wax-qabadkii Jaaamacadda iyo Tariikhdeedii oo qaab muuqaal ah loogu baahinayey Madaxweynaha iyo kasoo qayb-galayaashii xafladda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku bogaadiyey Prof.Cabdirisaaq Xuseen Xassan ah guddoomiyaha Jaamacadda dhabar adaygga uu umuujiyey sidii uu Jaamacadda usoo gaadhsiin lahaa heerka ay maanta joogto oo ah in ay soo saarto dhakhaatiir tayo leh ooka hawla gala inta dhammaan Gobollada Puntland iyo in ay la tar-tanto Jaamacadaha Caalamka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale ardayda uga sheekeeyey qiimaha ay leeday wax-barashadu, waxaana uu kula dar-daarmay in ay dedaalkooda sii laba jibaaraan, si ay dalkooda iyo dadkoodaba u anfacaan maadaama uu caafimaadku yahay hal-bowlaha nolosha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu dambayntii ardayda ku booriyey in ay ka fogaadaan qabyaaladda, Tahriibka, iyo Falalka nabad diidka isla markaasina ay xoogga  saaran siday u badbaadin lahaayeen shacabkooda ku tabaalaysan gudaha dalka iyo daafaha caalamka iyagoo aqoonta ka duullaya.

—DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.


IMG_1891 IMG_1894 IMG_1902 IMG_1905 IMG_1907 IMG_1911 IMG_1915 IMG_1917 IMG_1921 IMG_1926 IMG_1939 IMG_1954 IMG_1960 IMG_1971 IMG_1996 IMG_2010 IMG_2015 IMG_2016 IMG_2019 IMG_2022 IMG_2027 IMG_2039 IMG_2042 IMG_2051 IMG_2053 IMG_2059 IMG_2064 IMG_2065 IMG_2078 IMG_2084 IMG_2092 IMG_2104 IMG_2106 IMG_2108 IMG_2119 IMG_2126 IMG_2134 IMG_2138 IMG_2139 IMG_2142 IMG_2143 IMG_2156 IMG_2163 IMG_2174 IMG_2178 IMG_2190 IMG_2194 IMG_2200 IMG_2201 IMG_2203 IMG_2211 IMG_2215 IMG_2227 IMG_2245 IMG_2247 IMG_2249 IMG_2252 IMG_2266 IMG_2270 IMG_2273

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo booqday Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Boosaaso appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>