BOSASO-(Puntland Post) Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka mid ah mudanayaasha sida aadka ah warbaahinta uga dhaliila dowladda Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waraysi uu siiyay SBC waxa uu ku sheegay in hantida shacabka ee lagu boobaya magalada Muqdisho uu qayb ka yahay xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir.
Barre ayaa sheegay inay jirto hoob xoogan oo hantida shacabka lagu hayo, wuxuna sheegay Muqdisho inay ka socoto barakicin xoog leh, dowladda Xasan Shiikh ayuu sheegay inay la timi in dadka hantidooda si xoogan lagu boobayo, wuxuna sheegay inay soo baxday koox Maafiyo ah oo ku xiran maxkamadda dalka.
Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayuu sheegay inuu ka mid yahay masuuliyiinta fududeeya in hantida shacabka si sahal ah loo dhaco, wuxuu cadeeyay in dhowr jeer arrintaasi kala hadlay madaxwaynaha dalka balse aan laga hoos qaadin, wuxuna shaki galiayay sii ahan shahaha Caasuamdda dalka ee Muqdisho.
Inta uu waraysiga bixinayay ayuu Xildhibaan Cabdi Barre soo bandhigay cadaymo muujinaya guri ay lee yihiin oo si xoog ah loogu haysto magalada Muqdisho, isla markasna loo samaystay Dikumintiyo been abuur ah maxkamadduna ay dadkaasi u go’aamisey.
Waxaa jira Qoysasy badan oo weli muujinaya in guryahoodii Muqdisho si xoog ah loo degan yahay dowladduna aysan weli waxba ka maqan.
DHAGAYSO Waraysiga Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil.
Riix halkan
PUNTLAND POST
The post Xildhibaan Cabdi Barre oo dhul boobka Muqdisho ku eedeeyay Xeer ilaaliyaha Qaranka appeared first on Puntland Post.