Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Mamulka Gobalka Bari iyo kan degmada oo ka hadlay Banaan-bixii rabshada watay ee Bosaso ka dhacay

$
0
0

DuqaBOSASO-(Puntland Post) Banaan-bax rabshato wata ayaa maanta ka dhacay gudaha magalada Bosaso xarunta Gobalka Bari, kaasoo markii danbe sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka dibad baxa dhigay ayaa iskugu yimi aaga afar iridood oo ah goob caan ah, waxayna waddada laamiga ah ku gubeen taayaro iyo dhagaxyo, ciidanka ammaanka ayaa markii danbe soo gaaray goobta halkaasoo uu ka bilowday rasaas labada dhinac ah waxaa ku dhintay labo qof oo sida la sheegay midi ka mid yahay Askartii goobta soo gaaray dad lix qof ku dhowna way ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha Gobalka Bari iyo duqa magalada Bosaso oo galabta shir jaraa’id ku qabtay guriga gobalka ayaa kaga hadlay dhacdadii maanta iyo xaaaladu siday tahay.

Duqa Bosaso Eng.Yaasiin Mire Dacar ayaa sheegay inay ka xun yihiin wixii maanta magalada ka dhacay, wuxuna sheegay inay soo abaabuleen dad dano gaar ah leh balse ay ku dabo jiraan wixii ka danbeeyay xiisadii magalada ka dhacday.
Gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen sida uu sheegay guriga laga soo abaabulay rabshadii Bosaso ka dhacday, gurigaasi ayuu sheegay in lix qof lagu soo qabtay iyo gaadiid dhexyaalay.

Waxa uu Dhado hadalkiisa ku daray in lasoo qabtay dhalinyaradii banaanbaxa samaysay kuwaasoo uu hadda ku jira gacanta ciidanka, iyadoo ay xaaladu degan tahay ayay haddana ciidanka ammaanka caawa magalada ka wadaan howlgalo amniga lagu sugayo.

Arrintan maanta Bosaso ka dhacday ayaa kusoo aadaysa xilli madaxwaynaha Puntland uu wado kulamo wadatashi ah oo salka ku haya go’aankii ay ka qaateen nidaamka 4.5 ee lagu saleeyay aqalka hoose.

PUNTLAND POST

The post Mamulka Gobalka Bari iyo kan degmada oo ka hadlay Banaan-bixii rabshada watay ee Bosaso ka dhacay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>