Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wafdi uu hoggaaminayaha gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo Godob-jiiraan lagu soo dhaweeyay

$
0
0

IMG-20160201-WA0022Garowe-(Puntland Post)- Degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal waxaa markii ugu horaysay loo dhisayaa gole deegaan tan iyo sanadkii 2007 oo markaas laga dhigay degmo.

Maanta waxa tagay degmada wafti uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne,waftiga ayaa ka kooban wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudaha Puntland Cali Yuusuf iyo Xildhibaano.

Markay gaareen degmada waxaa kusoo dhaweeyey maamulka degmada iyo shacabka,gudoomiyaha degmada Godob-Jiiraan Yusuf Maxamed ayaa ka hadlay safarka gudoomiyaha gobolka iyo waftiguu hogaaminayo waxaa uuna sheegay inay Godob-jiiraan u tageen dhismaha gole deegaan oo degmadu yeelanayso.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi oo isna ka hadlay goobta lagu soo dhaweeyey ayaa tilmaamay inay Godob-Jiiraan u tageen in loo dhiso gole deegaan, kadibna  degmadu yeelato gudoomiye rasmi ah, maadaama hada uu yahay gudoomiyaha ka taliya ku meel gaar.

Waxaa la filayaa in maalmahan lagu dhiso gola deegaanka ee Godob-jiiraan sida la sheegay waxay ka koobnaan doonan 17 xubnood,inkastoo ay jiraan warar hoose oo sheegaya in beelaha dega godob iyo deegaanada ku xeeran ay ku muran san yihiin habka loo qaybsaday xubnaha.

Halkan ka Dhagayso Codka.

PUNTLAND POST.

The post Wafdi uu hoggaaminayaha gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo Godob-jiiraan lagu soo dhaweeyay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>