Waxaa Sida aan wararka kusoo xiganayno, mardhow ka degaya Magaalada Caasimada ee Garowe Madaxweynaha DF ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ay la socdaan rag ka tirsan madaxtooyada iyo Wasiiro ka titsan dowladiisa uu ka mid yahay wasiirka maaliyada DF ee Soomaaliya.
Safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu Puntland u tegayo sababa la xiriira shirka London iyo arrimaha Jubbooyinka oo ay Puntland ka taagan tahay mowqif adag in dhidibada loo taago, si Soomaaliya looga saaro dhibaatooyinkii ay ku jirtay 22-kii sano ee la soo dhaafay.
Dadka Puntland ayaa aaminsan in tegitaanka Xasan Sheekh ee Puntland- Garoowe ay keentay kaddib markii uu lumiyey miisaankii uu ku lahaa shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu muhiimsan yihiin shacabka Puntland oo 10o% taageersanaa dowlada federaalka ee Soomaaliya.
Waxaa la isleeyahay Safarka Xasan Sheekh in uu uga gol-leeyahay sidii uu Puntland uu ku heli sumcad wanaaagsan, si caalamka uu u tusiyo inuu furay Weji hor leh uuna la furay Puntland oo ah maamulka kaliya oo Federaalka u dhisan , isla markaana sanad iyo bar dabada kasoo riixaysay Dhismihii iyo dhalashada dowlada uu hada garwadeenka ka yahay Xasan.
Sidaas haday wax ahaayeen, dad badan oo Puntland ku sugan ayaa ku waaninaya dowlada Puntland in aan lagu qatalin Imaanshaha Xasan Sheekh ee magaalada Garoowe, loogase baahan yahay Puntland in Miiska usoo saarto Xasan Sheekh waxyaalihii uu khalday oo ay ka mid yihiin hareer makii sharcigii federaalka, kasoo horjeedka dowladiisa dhismaga Jubbooyinka iyo Statementiyada laga soo saaro Villa soomaaliya uu ku daabacan Dekrootooyin aan ku dhignayn ama aan muujinayn inay ka soo baxayso Xafiis Madaxtooyo oo Dowlad Federaal ah.
Shirka Garoowe uga furmaya Xasan Sheekh iyo Puntland , waxaa dowlada Puntland iyo Madweynaheeda looga fadhiyaa la xisaabtan qoto dheer oo dib loogu saxayo Khaldaadka baaxada leh ee Xasan Sheekh , maadaama uu ku wareersan yahay Fahanka dowladnimada, taas oo ay ugu wacan tahay isagoo aan khibrad siyaasadeed aan lahayn , sidaasna uu ku qabtay Kursigii ugu sareeyey dowlada Federaalka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland iyo dowlada uu garwardeenka ka yahay waa inay la galaan Xasan Sheekh gor-gortan adag, oo lagu badbaadinayo Soomaaliya.
Puntlandpost, Garoowe, Puntland