Garoowe: (pp)- Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta Dowlada Puntland, iyadoona looga sameeyey soo dhaweyn balaaran oo ay ka qeyb galeen Madaxda Puntland, Cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland iyo Qeybaha Bulshada .
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey xubno wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumada Somalia, Koox wariyaal ah oo ka shaqeeya idaacadaha Madaxa banaan iyo Warbaahinta Dowlada.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud iyo Madaxweyne Faroole ayaa saxaafada la hadley ka dib markii ay masuuliyiinta loo soo galbiyey xarunta Madaxtooyada Garowe.
Dhanka kale waxaa jirra cabasho xoogan oo ka timid Saxafiyiinta Puntland oo sheegey in ay la kulmeen xilligii soo dhaweynta lagu guddo jirrey jirdil loo geystey qeybtood , halka qalab ay siteena ay burburiyeen ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Puntland.
Puntlandpost waxay ka mid ahayd warbaahinta suxufiyiinteeda qalabka laga burburiyey ay ku qaadanayeen sawirada , waxaana ka cududaaraneynaa sawiradii aanu idinku talo galney in aanu idin soo gaarsiin oo dib ay u dhaceen sababo la xiriira qalabka oo waxyeelo naga soo gaartey, balse waxaanu jecelnahay saacadaha soo socda in aanu idin soo gudbin doono.
Sidoo kale Akhristayaasha-yada waxaanu jecel nahay in aanu caawa idin soo gudbino warbixino iyo sawiro ku saabsan kulamadii ugu danbeeyey ee madaxda iyo casho sharaf caawa lagu wado inay lagu qabto xarunta madaxtooyada Garowe.