Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

War deg-deg ah:Ciidanka Kenya oo ka baxay Magaalada Baardheere

$
0
0

Baar-dheere-(Puntland Post)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baardheere, ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in Ciidanka Kenya ay faarujiyeen Magaalada Baardheere, oo dhawaan Al shabaab laga saaray.

Waxaa Guul-dareestay Isku-dayo ay Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya wadeen Maalmihii lasooo dhaafay, oo Ciidanka Kenya ugu dhaadhicinayeen inay joogaan Magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Saakay Hawada laga saaray Isgaarsiinta Baardheere, waxaana taasi lagu micneeyay in Ciidanka KDF ay isaga baxayeen Degmada.

Ciidanka Kenya ayaa u dhaqaaqay dhanka Xadka Kenya, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka Waddada isku xirta Baardheere iyo magaalada Mandheera,taasoo looga baqdin qaba iney weerarro dhabba gal ah ku qaadaan colonyada gaadiidka ciidanka dalka Kenya.

The post War deg-deg ah:Ciidanka Kenya oo ka baxay Magaalada Baardheere appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>