Mandheera-Kenya-(Puntland Post)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Ciidankeeda ay qabteen saddex gaari oo ay leedahay hay’adda cuntada adduunka (WFP), oo kusii jeeday degaanno ay Al-shabaab ku sugan yihiin .
Taliyaha ciidanka Booliska degmada Mandheera Fredrick Shisia, ayaa sheegay in gaadiid ay ku rarnaayeen raashiin iyo Loojistiko,ay ku sii jeedeen magaalada Dooloow oo dhacda xadka Soomaaliya iyo Itoobiya halkaasoo ay ka dhow yihiin malleeshiyaadka Al-shabaab oo si fudud kaga faa’iideysan kara.
Sarkaalkan ayaa intaa raaciyay in Baabuurtan ay ku hayaan saldhigga magaalada Mandheera Kenya oo ay ku hayaan baaritaanno ku aaddan halka ay sida dhabta ah ugu wajahnaayeen iyo cidda ay aqabkan u sideen,
Hay’adda WFP ayaan weli ka hadlin gaadiidkan looga qabsaday xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
The post Kenya oo qabatay gaadiid ay leedahay WFP oo looga shakiyay inuu u rarnaa Al-shabaab appeared first on Puntland Post.