Hargaysa-(Puntland Post)- maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay go’aanka dowladda fadaraalku ku joojisay Duulimaadka Hargaysa’Muqdisho iyo Bar bera,waxayna sheegtay Soomaaliland inuusan qusayn go’aankaas.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arimaha gudaha maamulka Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo waraysi siiyey idaacada VOA Laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in go’aanka dowladda fadaraalku ku joojisay duulimaadka Hargaysa iyo Muqdisho uusan qusayn Soomaaliland,islamarkaana aysan iyagu joojinayn duulimaadka oo diyaaradaha aada Muqdisho ee kabaxa Soomaaliland ay aadi doonaan,isagoo intaa ku daray hadii ay dadka soo celinayso dowladda fadaraalku ay iyada utaal.
Maxamed Muuse ayaa tilmaamay in Soomaaliland aysan waxba ka badalayn go’aankeedii hore ee ay kasoo saartay dhanka duulimaadka labada dhinac.
Hadalka Soomaaliland ayaa yimi kadib markii Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda fadaraalku uu sheegay in 22 bishan joojinayaan duulimaadka Muqdisho.Hargaysa iyo Bar bera.
PUNTLAND POST
The post Soomaaliland oo ka hadashay joojintaanka duulimaadka Hargaysa iyo Muqdisho appeared first on Puntland Post.