Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Faah-faahin kasoo baxaysa diyaaraddii Daallo ee uu qaraxu ka dhacay maanta

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post)-Diyaaradda Daallo Airlines ayaa maanta si deg deg ah soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho,markii uu dab qabsaday mid ka mida matoorradeeda.

Laba qof ayuu dhaawac fudu ka soo gaaray qarax ka dhacay gudaha diyaaradda,iyadoo la baarayo iney jirto dhimasho,maaddaama degaanka Dhiiqaaleey ee ku dhow magaalada Balcad lagu sheegay qof meyd ah kasoo dhacay diyaarad,kaasoo loo malaynayo inuu ka mid ahaa rakaabka Daallo Airlines.

Diyaaradda oo xilligaasi hawada ku jirtay qaddar nus saac ah,ayaa lagu soo warramayaa inuu duuliyuhu si deg-deg ah u qaatay go’aanka ah inuu Muqdisho kusoo laabto,markii uu rakaabku soo wajahay walaac iyo cabsi fara badan.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 74 rakaab ah, waxaanay ku sii jeedday dalka Jabuuti, 70 ka mid ah dadka waxay ahaayeen rakaabkii diyaaradda Turkish Airlines oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay u baaqaneysay cimmilada oo xumeyd iyo dabeylo, sida laga soo xigtay saraakiisha shirkadaas.

Laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada baaritaanno la xiriira waxa sababay cilladda diyaaradda iyo nooca uu ahaa qaraxa la sheegay inuu goobta ka dhacay,kaasoo dalooliyay dhinaca diyaaradda.

D1 D2 D1 D2 D3 D4 Daallo1

The post Faah-faahin kasoo baxaysa diyaaraddii Daallo ee uu qaraxu ka dhacay maanta appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>