Muqdisho-(Puntland Post)-Wasiirka duulusta iyo gaadiidka hawada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jengeli) ayaa sheegay diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo Airline inay soo wajahaday cillad,taasoo ku qasabtay Kabtankii waday inuu si deg-deg ah u soo dajiyay wax yar kadib markii ay hawada gashay.
“Hadda waxa la sheegay waa baaris hordhac ah,weyna socotaa, marka ay dhammaatana deg-deg ayaan bulshada soomaaliyeed ula wedaagi doonnaa”ayuu yiri wasiir Jengeli.
Cabdi waaxid sheekh Cumar, maareeyaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya,ayaa sheegay in hadda arrinta ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka, baarisna ay socoto oo aan laga hordhici karin.
Maareeyaha ayaa intaa raaciyay in diyaaradda ay la socdeen 81 rakaab ah,taasoo markii ay 10,000Fit (Toban kun oo cagood)hawada gashayna uu ku wargeliyay duuliyaha inay jirto cillad kedis ah,isagoo dabeeto kusoo dejiyay garoonka.
Maareeyaha ayaa xaqiijiyay in markii ay soo dejiyeen dhammaan rakaabkii diyaaradda la waayay hal qof, kaasoo meydkiisa dib laga helay ayuu sheegay iney baaris ku hayaan,natiijadana ay dib kasoo gudbin doonaan.
Sidoo kale taliyeyaasha nabad sugidda qaranka Jeneraal: Cabdiraxmaan Tuuryare iyo taliyaha Booliska Jeneraal:Maxamed Sh Xaamud oo goobta ku sugnaa ayaa iyana sheegay inay ummadda Soomaaliyeed la wadaagi doonaan wixii uga soo baxa baaritaanka ay iminka wadaan.
The post Dowladda federaalka oo ka hadashay shilkii diyaaradeed ee maanta ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.