GODOB-JIIRAAN(Puntland Post) Guddiga dhismaha gollaha deegaanka degmada Godob-jiiraan ee Gobalka Nugaal ayaa maanta ku dhawaaqay liiska xildhibaanada cusub ee gollaha deegaanka.
Degmada Godob-Jiiraan oo ka mid ah degmooyinka C ah ayaa waxay xildhibaanada gollaha deegaanka lagu dhigay 19-Xildhibaan iyadoona markii hore ahayd 17 xildhibaan balse guddiga howshaan wadaa ay ku kordhiyeen labo xubnood.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Farawayne oo munaasibada ka dhacday degmada laguna shaacinayay xildhibaanada cusub ka hadlay ayaa sheegay inay ku rajo wayn yihiin maalinta berito ah inay qabsoonto doorashada gollaha deegaanka, in kastoo ay weli harsan yihiin xubo kale oo aan weli lasoo xulin.
Gudoomiyihii sida KMG ah loogu soo magacaabay degmada Godob jiiraan iyo labo xildhibaan oo kale ayaa u tartamaya xilka gudoomiayaha degmada kuwaasoo caawa bilaabay loolanka loogu jiro helitaanka codadka xildhibaanada cusub.
Qaar ka mid ah nabadoonada ka hadlay kulankan ayaa soo dhaweeyay sida ay howshu u wadaan guddiga arrintan u xilsaaran waxa kale ay sheegeen inay muhiim tahay in doorashada gollaha deegaanka Godob-jiiraan u dhacdo si hufan oo lagu wada qanacsan yahay.
PUNTLAND POST
The post Xildhibaanada cusub ee gollaha deegaanka degmada Godob-Jiiraan oo lasoo xulay appeared first on Puntland Post.