Bosaso-(Puntland Post)- gudoomiyihii hore ee gobolka Bari oo waraysi siiyey madasha 60 oo fadhigoodu yahay Yurub,waxaa uu ka hadlay rabshadii ka dhacday Bosaso,isagoo ku eedeeyey dhacdadaa dowladda.
Cabdisamad Galan waxaa uu sheegay in shacabka gobolka Bari ay dhigayeen kacdoon ay dowladda kaga cabanayeen,awood qaybsiga,fursadaha shaqo iyo siduu sheegay shacabka gobolka bari oo la bartilmaameedsado.
Galan ayaa tilmaamay in madaxweyne Gaas uu caburinayo shacabka, islamaraakana uu maamulkiisu ku si foobay kaligii talisnimo,waxa uu hadalkiisa ku sheegay in ciidamo beeleed uu adeegsaday dilka shacabka,Ciidamada bada Puntland iyo ciidamda BSFTA ayuu xusay inay ka qayb galeeb siduu yiri caburinta shacabka iyo in lagu laayo.
Ciidamada BSFTa ayuu ku sheegay inay yihiin ciidan halbeel ay leedahay,balse hada ay ku darsadeen inay laayaan dadka shacabka ah.
Cabdisamad ayaa carabaabay inay iyagu wax ku raadinayeen xasiloonida,waxaa uuna sheegay in markii madaxweyne Gaas uu kasoo laabtay Kismaayo ay ka wada hadleen shacabka gobolka bari iyo waxyaabaha ay ka cabanayaan,basle aysan isku afgaran.
Waxaa uu intaa ku daray inay la kulmeen guddi kale oo loo yaqaan Dan wadaagta beelaha gobolka bari,kulankaas ayuu sheegay inaysan kasoo bixin wax natiijo ah,balse waxaa lagu balamay in markuu madaxweynuhu ka yimaado Muqdisho lawada hadlo,waxaa uu xusay in markii Gaas ka yimi Muqdisho uu san cidna la kumin oo sii waday caburinta shacabka siduu sheegay Galan.
Galan waxaa uu dowladda uu madaxweyne Gaas hogaamiyo ku eedeeyey dad shacab ah oo qaarkood la laayey, iyo qaar xabsiyada ku jira.
Dhanka kale Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo la hadlay VOA-da ayaa rabshadii ka dhacday Bosaso ku eedeeyey gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Galan,waxaa uuna xusay inay maxkamad la tiigsan doonaan.
Magaalada Bosaso ayaa hada dagan, waxaana socda da daalo looga hortagayo inay dhacaan rabshado kale,Madaxweyne Gaas ayaa wali isna kusugan Bosaso.
Halkan ka Dhagayso codka Galan oo dhamaystiran
PUNTLAND POST
The post Maxaa ka cusub Maanta Bosaso? appeared first on Puntland Post.