Muqdisho-(Puntland Post)- dowladda fadaraalka Soomaaliya ayaa isku khilaafsan joojitaanka diyaaradaha Hargaysa uduula iyo kuwa ka yimaada,kadib markii VOA-da uu u sheegay Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha in la joojinayo duulimaadka Hargaysa 22 bishan.
Wasiirka duulista iyo gaadiidka Hawada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Cali Jaamac Jingeli oo isna warbaahinta la hadlay waxaa uu beeniyey warkaas kasoo yeeray Taliyaha,isagoo si cad usheegay inaysan dowladdu joojin wax duulimaadka ah.
Waxaa uu tilmaamay wasiirku inan la joojinayn duulimaadka diyaaradaha Hargaysa iyo Muqdisho,Hadalkii kasoo yeeray Taliyaha ee ahaa in la joojinayo duulimaadka Hargaysa iyo Muqdisho ayuu sheegay inuu yahay howl isaga utaal.
Waxaa muuqata in dowladdu isku khilaafsan tahay duulimaadka Hargaysa iyo Muqdisho,inkastoo arintani ay kicisay markii hadalo ay warbaahinta isku adeegsadeen Taliyaha laanta socdaalka ee dowladda fadaraalka iyo wasiirka arimaha gudaha Soomaaliland.
PUNTLAND POST
The post dowladda oo isku khilaafsan joojitaanka duulimaadka Hargaysa appeared first on Puntland Post.