Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Puntland oo maanta gaarey magaalada Qadho ee Gobolka karkaar.

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa saaka 04-Feb-2016 kasoo amba-baxay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari isagoo kusoo jeedaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa intaanu gaarin magaalada Garoowe waxaa uu ku hakaday magaaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, halkaas oo ay ku soo dhoweeyey Wasiiro, Xildhibaano, maamulka heer Gobol iyo Heer Degmo iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxaa uu kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Qardho Cuqaasha, Nabadoonada, iyo Maamulka Gobolka iyo kan Degmada.

waxaana uu Madaxweynuhu ka xog-waraystay masuuiyiintaasi uu lakulmay xaaladda guud ee Nabad-gelyada Gobolka iyo Maashaariicda horumarineed ee Dawladdu ka wado Magaalada Qardho, waxaana ay u sheegeen Nabad-gelyada Gobolku in ay tahay mid sugan, mashaariicdii horumarineedna ay si dar-darle u soconayaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Waftigiisa ayaa waxay kulan qado sharaf  ah waxaa ay kula qaadan doonaan Cuqaasha iyo wax-garadka Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Qardho, kadibna waxaa ay uga sii gudbi doonaan magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

 —DHAMMAAD—

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

IMG_2356 IMG_2362 IMG_2365 IMG_2369 IMG_2371 IMG_2375 IMG_2379 IMG_2380 IMG_2381 IMG_2388 IMG_2391 IMG_2394 IMG_2402 IMG_2409 IMG_2411

The post Madaxweynaha Puntland oo maanta gaarey magaalada Qadho ee Gobolka karkaar. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>