Kismaayo-(Puntland Post)- Wafti uu hogaaminayo ergiga gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa soo gaaray magaaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubbaland.
Garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa kusoo dhaweeyey,madaxweyne ku xigeenka kowaad ee Jubbaland Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Farataag,wasiiro iyo xildhibano.
Madaxweynaha jubbaland ayuu kula shirayaa xarunta guriga martida ee Daawad,waxyaabaha labada masuul ay kawada hadlyaan aya la sheegay inay tahay go’aankii dhawaan laga soo saaray Shirkii Muqdisho ee 4.5ka.
Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay markii uu kasoo laabtay shirkii Muqdisho in go’aankii kasoo baxay shirka ay dowladda fadaralku gaartay beesha caalamkuna ku taageertay,maamulada dalkana lagu cadaadiyey.
Michael Keating iyo Axmed Madoobe ayaa kawada hadli doona sidii loo meel marin lahaa go’aankaas,islamarkaana shacabka reer jubbaland loogu qancin lahaa.
Wiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa inuu maalamahan so gaaro magaalada Garowe,wuxuuna kulan la qaadan doona madaxda Puntland,iyagoo ka wada hadli doon diidmada Puntland ka muujisay go’aanka shirkii Muqdisho.
PUNTLAND POST
The post Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo Kismaayo soo gaaray appeared first on Puntland Post.