Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaradda Caafimaadka Puntland oo daawooyin u qaybisay Isbitaalada Gobaladda

$
0
0

GAROWE-(PUNTLAND POST) Wasaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa maanta warbaahinta usoo bandhigay daawooyin kala duwan oo lixdan qaybood ka kooban looguna talo galay Isbitaalada iyo xarumaha caafimaad ee gobaladda Puntland.

Munaasibadda daawooyinkan lagu wareejinayay xarumaha caafimaadka ee gobalada waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka caafimaadka, agaasimaha guud ee wasaradda iyo masuuliyiin ka socday Isbitaalada.

Agaasimaha guud ee wasarada Caafimaadk Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay daawooyinkan oo noocyo badan isagu jira in loogu talo galay Isbitaalada waa weyn iyo goobaha kale ee caafimaad, wuxuna tilmaamay inay isagu jiraan kuwa inta badan loogu baahi badan yahay, Dr.Xirsi ayaa sheegay daawooyinkan in la gaarsiin doono labaatan xarumood oo muhiim ah.

Wasiirka caafimaadka Dr.Cabdinaasir Cismaan Ciise (Cuuke) ayaa sheegay daawadan inay soo gaarsiisay dowladda Federaalka gaar ahaan wasaradda Caafimaadka isagoona sheegay inay ka timi dowladda Sucuudiga wuxuuna ka mid celiyay sida qaybtii Puntland loosoo gaarsiiyay.

Dr.Cuuke ayaa kula dardaarmay xarumaha caafimaad ee daawooyinkan la gaarsiinayo inay xafidaan oo ay dhowraan maadama wasaradda aysan mar kasta awood u heli karin in daawooyin sidaan oo kale ah Isbitaalada loo qaybiyo.

Degmooyin ka tirsan Gobaladda Mudug,Nugaal, Karkaar,Bari, Haylaan, Sanaag, Gardufuu, Sool iyo Cayn ayaa daawooyinkan la gaarsiinayaa maalmaha soo socda.
_DSC9926

_DSC9927

_DSC9928

_DSC9930

_DSC9931

_DSC9932

_DSC9933

_DSC9934

_DSC9936

_DSC9937

_DSC9938

_DSC9939

_DSC9943

_DSC9944

_DSC9949

_DSC9950

_DSC9952

_DSC9954

_DSC9955

_DSC9957

_DSC9980

_DSC9982

_DSC9991
PUNTLAND POST

The post Wasaradda Caafimaadka Puntland oo daawooyin u qaybisay Isbitaalada Gobaladda appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>