Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweye GAAS oo Digniin culus u diray shaqsiyaad doonaya in ay Puntland khal-khal ka abuuraan.

$
0
0

Soodhoweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qabayb qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Puntland Cabdixamiid Sheekh, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo boqollaal dadweyne ah kuwaas oo ku-labisnaa dharka hiddaha iyo dhaqanka iyo dhar laga tolay Calanka Dawladda Puntland iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhoweynta kadib waxaa loosoo gelbiyey Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, halkaas oo uu Madaxweynuhu Warbaahinta qaybeheeda kala duwan kula hadlay.

Madaxweynaha ayaa ugu horrayn uga mahadceliyey shacab weynaha reer Puntland ee ku dhaqan magaalada Garoowe sida qiimaha iyo waddaniyaddu ka muuqato ee ay u soo dhoweeyey, isla markaasna waxa uu madaxweynuhu ka-warbixiyey shirarkii ay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo kaga qayb galeen kuwaas oo fashil ku soo dhammaaday iyo Safarkii Madaxweynaha ee Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in shirkii Muqdisho markii uu burburay ay go’aan ku qaateen in ay talada kusoo celiyaan shacabka Puntland si’ay shacabka Puntland ay  go’aan uga gaadhaan masiirkooda, isla markaana ay dhowaan Puntland ka bilaaban doonaan shirar wada tashiyo ah oo u dhexeeya Dawladda Puntland iyo Shacabkeeda.

“Talada waxaanu kusoo celiney dadka reer Puntland, haddana waxaanu u fadhisan doonaa wadatashiyo inaanu yeelano anaga, golayaasha dawladda, shacbiga,ururada bulshada iyo siyaasiyiintu in aanu tashi ka yeellano waxaanu ka yeeleyno Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay Garoowe Imaan doonaan wufuud caalami ah kuwaas oo doonaya in ay si dhab ah u ogaadaan dareenka  shacabka Puntland iyo dawladdiisaba  ee kuu aaddan nooca doorasho ee la filayo in ay dalka kaqabsoonto bilaha August iyo September.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa digniin u diray shaqsiyaad isku deyey in ay khal-khal ka abuuraan Puntland isla markaasna ay kala dhantaalaan mashaariicda horumarineed ee Dawladdu  ka wado Magaalooyinka waaweyn ee Puntland, isla markaasna ay iska horkeenaan shacabka walaalaha e Puntland.

“waddanka horumar ayaa ka- socda, waxaan rabaa horumarkaa in aan la-shaashayn oo aw-kiraalayaal meelo kale laga soo ijaartey aysan caqabad ku noqon oo nabad-gelyada wax u dhimin”

“Dawladda Puntland waxaa ka go’an qofkii shiddo layimaada Puntland in ay gacan bir ah iskaga qabanayso oo aanay amnigeeda cidna  wax gor-gortan ah kala geleyn” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA PUNTLAND

 

IMG_2472 IMG_2474 IMG_2476 IMG_2480 IMG_2484 IMG_2490 IMG_2493 IMG_2496 IMG_2499 IMG_2515 IMG_2520 IMG_2521 IMG_2527 IMG_2530 IMG_2532 IMG_2545 IMG_2549 IMG_2555 IMG_2573 IMG_2577 IMG_2578 IMG_2585 IMG_2605 IMG_2614 IMG_2620 IMG_2623 IMG_2626 IMG_2648 IMG_2691 IMG_2695 IMG_2697 IMG_2700 IMG_2707

The post Madaxweye GAAS oo Digniin culus u diray shaqsiyaad doonaya in ay Puntland khal-khal ka abuuraan. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>