Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Tababar Lagu Baranayay xalinta Khilaafaadka Oo Lagu Qabtay Boosaso

$
0
0

Boosaso -(Puntland Post) – Barnamijkabarka oo soconayay mudo shan bari ah ayaa waxa lagu baranayay Xalinta khalaafaadka Qoyska iyo beelaha somaliyeed sidii loo xalin lahaa.

Tababarkan Ayaa waxaa Lagu Barayay 30 Arday Oo wax ka barata Jamacada Bariga Afrika Ee Bosaso Kuwasi Oo Xalinaya Khilafaadka Beelaha Somaliyeed Soo Dhex Gala.

Tababarkan Ayaa Waxa Bixinayay Khabiiro Mudo Radinayay Xalinka Khilaafka Beelaha Somaliyeed Hadana Ah Labo Nolasha Wadaga Ama Lamaane ah Oo Lagu Magacabo Dr. Yuusuf shiikh Cumar iyo Drs. Khadiijo Maxamed Cusmaan.

Munasabadi Lagu Soo Xirayay Ayaa Waxa Ka Soo Qayb Galay Masuliyiinta Jamacada Bariga Afrika, Ardaydi Tababarka Qadanayay Tababar Bixiyashii, Masuliyiinta Shirkada Golis Iyo Marti Sharaf Kale.

Dr Yuusuf Shiekh Cumar Yuusuf Yadadilo Iyo Drs Khadiijo Maxamed Cusmaan Khadiijo Khayr Oo Ah  Macaliminti Tababarka Bixinayay Ayaa Ugu Horayn Sharaxaya Casharadi Ay Ardaydu Qateen.

Madaxa Suqgaynta Shirkada Isgaarsinta Golis Cabdirixmaan Dayax Ayaa shegay wax walba lagu xaliyo wanaag iyo nabadeyn.
Nabadoon Mustafe Maxamed Nuur (Baana) Iyo Cabdifataax Awaare oo ka mid ahaa ardaydi tababarka qadanayay ayaa ka hadlay waxa tababarkan ay ka fa’ideen, Iyagoona U mahadceliyay Dhamaan Dadkii Soo Agaasimay Barnaamijkan

Gudomiyaha Jamacada Bariga Afrika Dr. Aaadan Shiekh Doon ayaa ardayda kula dar darmay inay xaliyaan khilafka belaha somaliyeed ee la baray, Dadka Kalana ay oga sii faa’deeyaan.

Ugu Danbayn Ardaydi tababarka qaadatay ayaa madasha ku soo bandhigay ruwayad ay ku xalinayaan khilaafka soo kala dhex gala qoysaska nolasha wadaga iyo beelaha somaliyeed ee dirirtu soo kala dhexgasho.

Macalimiinti Tababarka Bixinayay Ayaa ardaydu waxay gudon siyeen hadyad ay ugu talagaleen halka ardaydana lagu gudoon siyay shahado sharaf loogu tala galay.

Daawo Sawiradda :

12596111_577436849089371_1867087976_n 12647759_577436825756040_2024637663_n 12648123_577436835756039_1725804034_n 12650430_577436819089374_915526776_n 12650492_577436839089372_972904518_n 12660254_577436845756038_1133004923_n 12666232_577436829089373_382554615_n

Puntland Post

Xafiiska Boosaso 

The post Tababar Lagu Baranayay xalinta Khilaafaadka Oo Lagu Qabtay Boosaso appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>