Garoowe: (pp)- Magaalada Caasimada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ka socda Shirar uga furmay dowlada federaalka iyo Puntland, waxaana lagu soo waramayaa in shirkaasi uu si fiican uga socdo Xarrunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe.
Warar sugan oo soo gaaraya Warbaahiyaha Puntlandpost ayaa sheegaya in Puntland ay dowlada Federaalka hordhigtay qodobo dastuurka ka mid ah oo lagu tuntay ayna wax ka bedeleen baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , iyagoo aan awood sharci ah u haysan.
Dowlada Puntland ayaa madaxweynaha Federaalka uga dacwootay sida dowlada uu hormuudka ka yahay loogu tuntay wixii ay soomaali ku heshiisay , arrinkaas oo uu ka gaarabay sida la sheegayo madaxweynaha DF ee Soomaaliya.
Waxyaalaha ay Puntland banaanka soo dhigtay ee lagu tuntay sharciga federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah in labada aqal ee DF ee Soomaaliya ay qaabayn doonaan Magaalada caasimada u noqonaysa Dalka Soomaaliya, waxaana looga fadhiyey dowlada federaalka ee Soomaaliya inay Aqalka Odayaasha marka la dhiso iyo baarlamaanka Soomaaliya ay dejiyaan qaabka iyo Meesha noqonaysa Caasimada Soomaaliya iyo qaabka iyo xeerarka ay yeelanayso, sharcigaas oo ay ku tumatay DF ee Soomaaliya.
Dowlada Federaalka ayaa ka garaabtay meelaha looga tuntay Axdiga Federaaalka ee Soomaaliya, waxaase Muuqda is fahan wanaagsan iyo isu garaab labada dhinac ah, waxayna Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ay shaaca ka qaadeen in waxa khaldan la isla saxayo , iyadoo aan loo adeegsan doonin gacan shisheeye.
Sikastaba , doodaha siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dhinac ayaan illaa hadda laga sheegin wax isfahan darro ah , iyadoo arrinka Cabashada inta badan ay ka imaanayso Puntland oo banaanka soo dhigtay qodobo dastuurkii lagu heshiiyey oo lagu tuntay, waxaana dhanka dowlada la sheegayaa in dhaqaalaha dalka iyo habka loo wadaagayo ay waxayaalaha laga hadlaayo ku jiraan, Shirka London, iyo sidii loo dadejin lahaa maamulada federaalka ee dalku yeelanayo.
Wixii warar ah oo danbe kala soco Puntlandpost.com