Garoowe: (pp)- Dowlada Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayey Madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo shir Albaabada u xirnaayeen uga socday Caasimada Puntland ee Garoowe ayaa aakhirkiisii uu kusoo dhammaaday is af-garan waa, waxaana la sheegayaa in shirka Jubbooyinka ka socda iyo Shirka London ay noqdeen qodobada la isku mari waayey, laakiin arrimo badan oo khuseeyey sharciga Federaalka oo meelo badan looga tuntay la isku fahmay.
Madaxweynaha Puntland iyo wasiiradiisa ayaa ku soo jeediyey in ajandaha shirka London hadafka laga leeyahay la wadaago, halka dowlada ay ku doodayso inay Ajandaheeda ay iyadu afka iyo Lugaha ku wadato, arrinkaas oo ay Puntland ku gacan sayrtay.
Jubbooyinka ayaa ka mid ah qodobka kale ee Xasaasiga ah , iyadoo dowladu ay qabto inay u magacowdo Maamul kumeel-gaar ah , arrinkaas oo ay Puntland ku tilmaantay kutumasho tastuurkii dalka , ayna sharci u haysan dowlada Federaalka ee Soomaaliya inay magacowdo Maamul ay iyadu keensatay.
Dowlada Puntland ayaa ku dooday in aan la garab mari karin xuquuqda shacabka Jubbooyinka oo dastuurku u ogolaanayo inay maamulkooda dhistaan.
Wararkaan oo fah-faahsan kala soco Puntlandpost.com