Garowe-(Puntland Post)-Shir ay isugu yimaadeen maamulka sare ee Dhaqdhaqaaqa Tala wadaag ee Haweenka laguna qaybtay Magaala Madaxda Puntland ee Garowe – 4/2/2016
Ujeedada shirkeenu wuxuu ku saabsanyahay dhawr arimood oo ku soo cusboonaaday Puntland iyo Somaliya guud ahaan, waxaan ka mid ah:
* Nabadaxumida Puntland, Gaar ahaan ( Bossaso)
* Doorka Dumarka 2016, iyo
* Baaq aan u dirayno Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Somalia oo ku saabsan sida aan uga xunahay inay taageeraan habka waxqaybsiga guuldaraystay ee 4.5
1. NABADA PUNTLAND ( GAAR AHAAN MAGAALADA BOSSASO)
A) Bulshada
Waxaan aad iyo aad uga xunahay rabshadaha iyo dhibaatooyinka ku soo kordhay magaaladda ganacsiga Puntland ee Boosaaso taasoo aad iyo aad noo xanuujineysa.
Bulshada reer Puntland oo lagu yaqaan kuna caanbaxday ilaalinta nabadda, is-xaqdhowr iyo isu dulaqaadasho ma mudna inay manta marxalad tanoo kale ahi la soo gudboonaato 18 sanno oo ay dawlad ahaayeen ka dib. Runtii reer Puntland waa dad nabadeed, garanyana qiimaha ay nabadu leeday ,in ay ilaashadaan Nabada rabigay ku galaday ayna ku soo caano maaleen, aynuna meel uga soo wada jeensano cidii doonaysa in ay haruubka nabada af genbido.
Waxaan leenahay nabada Puntland waa lama taabtaan, cidnana ka yeelimayno in ay cirqaladayso guud ahaan, gaar ahaan waxaan leeyanahay Dadwayna ku dhaqan Magaalada Bossaso waa inay nabadda iyo midnimadda ilaaliyaan. Nabadu waa Macaan , Nabadu waa caafimaad, Nabadu waa cadar udgoon ee yaan la carqaladayn.
Bossaso Waa lama huraan waana magaalada gancsiga , waana meel u dhaxaysa bulshada reer Puntland dhammaantood.
B) Dawlada Puntland
Dawlada waxaan leenahay waa inay amniga sugtaa oo dadku dareemaan inay dawladdu amnigooda gacanta ku hayso, cidna laga yeeli mayo inay amniga dhibaato ku noqoto khalkhalna geliso. Dawladdu waa inay dhegeysataa cabashooyinka bulshada qaybeheeda kala duwan waxna ka qabataa intii karaankeed ah. Dawladdu waa inay ogolaataa xoriyatul qawlka ay dadku ku cabirayaan fekerkooda kuna sheegayaan waxay tabanayaan. Masuuliyiinta dawlada qaarkood waxaan ka codsanynaa in ay ka fiirsadaan hadaladooda oo ay turxaan bixiyaan intaanay umaada la hor tegin.ayna qadafka iyo hadaladd xanafta leh ka dhawran ummada dhexdeeda.
Baaqa Nabadu waa:
* Qof walbaa waa in uu ilaaliyaa Nabada dhankiisa
* Waa in dawladu isu taagtaa Latashiga bulshada iyo kana jaawibtaa Cabashooyinkooda.
* In talaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid walba oo ku xad gudubta nabada, sharafta iyo cirdiga bulshada.
* Waxaa soo noqnoqotay in nin walba oo xil laga qaadaa uu khalkhal geliyo nabada iyo wada jirka ummada, Hadab waa in golayaasha dawlada, odayaasha dhaqan iyo bulshadu iska kaashadan ka hor taga cid walba oo samaysa isku day ay ku burburinayo danaha dalka iyo dadka PL.
2- Doorka Dumarka iyo Doorashada 2016
Dhaqdhaqaaq Talo-wadaag ( Tala – wadaag movement) isagoo wajahaya danaha haweenka guud haan iyo Gaar ahaan kuwa PL , waxay cadaynayan moqifkooda ku aadan go’aankii shirkii xamar ee la sheegay in 4.5 la qaatay, kaasoo aan wax dan ahi ugu jirin Ummadda Somaliyeed guud ahaan gaar ahaan Haweenka oo hadii dib loogu celiyo qabiil in wax lagu qaybsado aan ka rajo qabin in ay waxa talo ah , ka qaybgal iyo door kale ku yeeshaan dalka iyo higsiga 2016 ee la rabo in lagu soo dhiso dawlad lagu wada jiro,(inclusive). Sidaa awadeed waxaan la socodsiinaynaa cid kasta oo door ku leh go’aankaas in ay ka fiirsadaan uuna yahay dib u dhac hor leh oo ku yimi horumarkii iyo dawladnimadii la higsanaayey .
BAAQA DOORKA DUMARKA iyo Doorashada 2016
* Dooni mayno taageerina mayno dulmiga loo gaystay dumarka iyo dadk lag tirade badan yahay.
Taageerimeyno in habka 4.5 Somaaliya dawlad loogu dhisi rabo 2016
* 4.5 Xal umma aha labada kooxood ee aan kor ku xusnay( Women and Minority Groups)
3-Baaqa Hay’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Somaliya
Anagoo tix raacayna dhamaan ficiladii iyo go’aanadii aan ka fiirsiga lahayn aanana wafaqsanayn dastuurka dalka ee ay gaareen QM sida
* Taageeradii 4.5 ee shirkii xamar, kaas oo aan loo dhammayn danina ugu jirin bulshadda Somaaliyeed waayo waa hab faashil ah oo Ummadda Somaliyeed kala dilaaya oo qabiilka iyo isku dirka buun buuniya
* Iska indho tirida rabitaanka bulshada soomaliyeed ee ku aadan doorashadda ama dhisme dawlad Soomaliyeed oo la dib loo helo iyo u hiilinta rabitaankooda iyo danahooda gaarka ah.
Waxaan leenahay bulshada caalamiga ahi ha ku taageeraan Somalidu waxay rabaan ee yey ku khasbin wax aan socondoonin. Waa in Somalidda loo daayo talada dalkooda iyaga ayey ka go’daa.
Gudoomiyaha Dhaqdhaqaaqa Tala-wadaag
Dr. Idil Maxamuud Afbalaar
PUNTLAND POST
The post Ururka Tala wadaag oo ka hadlay Nidaamka 4.5 appeared first on Puntland Post.