Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka Amniga oo Bosaso ku qabtay kulan ammaanka Gobalka looga hadlayay

$
0
0

amniBOSASO-(Puntlan Post) Wasaradda amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa kulan amniga looga hadlayo isagu yeeray mamulka gobalka bari, kan degmada iyo saraakiisha kale ee ammaanka, ka dib markii dhowaan magalada ka dhacday xiisad sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasarada amniga ayaa looga hadlayo arrimo badan oo ammaanka salka ku hayo in kastoo aysan saxaafadu xog badan ka helin haddana markuu soo dhammaaday waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka amniga.

Qarjab ayaa faray laamaha ammaanka inay shaqadooda si wadaniyad leh u gutaan isla markasna asbuuc-yadaan soo socda shaqo adag qaban doonaan cid kasta shaqadii ay u xil saarnayd.

Xaalada magalada Bosaso ayaa degan, waxaana socda dadaalada ciidanka ku doonayaan inay kaga hor tagaan cid kasta oo khal-khal galin karta xasiloonida iyo nabadda.

PUNTLAN D POST

The post Wasiirka Amniga oo Bosaso ku qabtay kulan ammaanka Gobalka looga hadlayay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>